Shirka Wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in uu ka furmo Muqdisho

Shirka wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Waxaaa Magaalada Muqdisho ka socda Qabanqaabo ku aadan munaasabadda furitaanka  iyo socodsiinta howlaha shirka wadatashiga

Xukuumadda FS ayaa sheegtay in aysan jirin wax  isbaddal ah oo ku yimid hannaankii loogu talagalay qabashada shirka wadatashiga.

Saaka ayaa la filayaa in madaxweynayaasha Dowladgoboleedyada ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho,halka Madaxweyne Qoor-qoor uu horay u soo gaaray Caasimadda.