Madaxweyne Lafta-gareen oo Muqdisho soo gaaray

Maxadaweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliye Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga Qaran ee looga arrinsanayo doorashooyinka dalka ee la filayo in ay dhawaan ka qabsoomaan Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdicasiis iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, waxaana mas’uuliyiinta soo dhaweysay ka mid ahaa xubno ka kala tirsan Golayaasha Dowladda kuwaasoo uu horkacaayey wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubay Jimcaale.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey u iclaamiyay shirkan, shalay gelinkii dambe, waxaa Muqdisho sidan oo kale soo gaaray madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor).

Waxaa kaloo maanta la filayaa madaxda kale in ay yimaadaan magaalada Muqdisho, si shirka ugu qeybgalaan.