Xoghayaha ururka iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in la joojiyo xad-gudubyadda Israa’il ku hayso marinka Qasa

xoghayaha ururka iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in loo wada istaago sidii loo joojin lahaa xadgudubyada  israa’iil ku hayso marinka Qasa.

Hadal uu jeediyay xoghayaha ururka iskaashiga  islaamka mudane Yuusuf Al-Cuthaymiin kulanka wasiirada Arrimaha dibadda ee ururkaas ayuu ku canbaareeyay xadgudubyada Israa’iil ka waddo goobaha barakeysan ee dhulka Falastiin.

Xoghayaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay mas’uuliyad iska saarto sidii loo joojin lahaa xadgudubyada iyo gardarada israa’iil  ku hayso shacabka Falastiin.

Xoghayaha ayaa sheegay in ururka islaamku garab taagan yahay shacabka Falastiin kana shaqaynayo sidii uu  ku heli lahaa  dowlad ay caasimad u tahay Qudus.

Xoghayaha ayaa uga mahadceliayay dowladda boqortooyada Sacuudiga oo shirkan isagu yeertay sida ay u garab taagan tahay xuquuqda shacabka Falastiin.