JAHLIGA IYO SOOMAALIGA

Bari waxaa reero miyiga yiil/daganaa macallin u ahaa nin wadaad ah, oo qur’aanka xafidsanaa balse aanay aqoon kale diini iyo maaddi tooni u wehelin.

Wadaadkaas waxaa loo aqoonsanaa inuu yahay shiikha deegaanka mas’alo kastoo diinta la xadhiidhtana asagaa loola iman jiray, asaguna is muu dhibi jirine waydiinkasta/su’aalkasta oo la weydiiyoba wuxuu war-celinteeda ku soo koobi jirey”Allaahu aclam”.

Dadka aan aqoonta lahayn ee deegaankaa ku dhaqan waxaa la oran jirey” Aamanuu”, wadaadkii oo koox arday ah dhex fadhiya lana subcinaya ayaa dharaar waxaa u yimi wiilal dhallinyaro ah, si wacan ayay u bariidiyeen asna wuu ka qaaday, deedna waxay u sheegeen inay asaga doonayaan,” oo maxaad iga rabtaan ayuu ku yidhi?”, “shiikh aw hebelow su’aal baanu ku weydiin lahayn ayay ku yidhaahdeen”.

intuu cimaadadiisii garwaaxeedsaday, ushii uu watayna dhulka ku jufeeyay buu kolkaa ku yidhi ” su’aasha la kaalaya”,waxay ku yidhaahdeen shiikh aw hebalow waanu kala garan waynaye adigu horta ma aamanuu baa tahay mase kafaruu?”.

Intuu afka yar majoojiyay, oo faraha taagtaagay, indhahana kala rogay buu ku yidhi”illaahayow ¬†aamanuu ha naga dhigin” ,” oo haddaa maxaa tahay ?” bay ku celiyeen, kolkaa buu yidhi”kafaruu baan ahay”. kafaruu inay gaalnimo tahay dhallinyarada qaar baa ogaa, balse wadaadku wuxuu moodayay inay wax feecan tahay. Kkkkkk

W/Q: Abwaan Hareeri