ISTICMAALKA QALDAN EE DAWOOYINKA OO KU SOO BADANAYA MUQDISHO

Dad badan ayaa taga goobaha lagu iibiyo dawooyinka mana wataan waraaqaha dawo qorista ee dhaqaaatiirta waxayna qaarkood iska doortaan nooc dawo oo ay doonayaan ayna magac ahaan u hayaan isla markaana aaney aqoon u laheyn waxtarkeeda iyo dhibaatada ay dhinaca kale yeelan karto (Side effect).

“Arrintan waxaa lagu dhaliili karaa dadka leh farmashiiyeyaasha oo oggolaada in ay dawo ka iibiyaan qof aan wadan warqad dhaqtar soo qoray iyagoo u xilanaya lacagta ay ka helayaan” ayuu yiri Dr Axmed Maxamed Odawaa oo ka tirsan dhaqaatiirta Muqdisho oo intaa ku daray in dunida ay mamnuuc tahay in warqad la’aan in qof dawo laga iibiyo.

“ Waxaa noo yimaada dadka qaar oo wata dhalooyin dawooyin hore looga isticmaalay ama qoraalka magaca dawo qof kale uu adeegsaday iyagoo ku leh tan oo kale iga iibi “ ayuu yiri Cabdi Maxamed oo goob dawooyinka lagu iibiyo ku leh Muqdisho oo sheegay in isagu aanu qofna ka iibin dawo haddii qofkaasi aanu wadan warqad dhaqtart.

Dadka caadiga ah ee doonaya in sida qaldan ay u gataan dawooyinka waxaa dheer dhallinyaro ka dalbada goobaha farmashiyeyaasha ah dawooyin aan loo qorin oo qaarkood noqdaan maandooriyeyaal marka si qaldan loo adeegsado sida Tramadolka taas oo muddooyinkan dame ku badan dalka .

Isticmaalkaa qaldan wuxuu keenaa in dhallinta adeegsataa ay ku maandoorsoomaan oo ay ku sirqaamaan taas oo mararka qaar keenta in ay ku kacaan ficilo aan wanaagsaneyn, dagaal iyo carqaladeynta dadka kale.

“ Waxaa kuu imaanaya rag dhallinayaro oo kaa dalbanaya kiniini iyo irbadaha qaar ee loo adeegsado marka qallinka la sameynayo iyagoo u isticmaalaya daroogo ahaan, haddii aad tahay mas’uul waxaad weydiineysaa warqad haddii aadan aheyna si sahlan ayaad uga iibineysaa adigoo dhibka bulshada ka shaqeynaya “ ayuu yiri Cabdi Maxamed oo mar kale sheegay in loo baahan yahay in dadka iibiya farmashiyeyaasha loo baahan yahay in ay mas’uuliyad muujiyaan oo aaney dhallinyaradaa ka iibin kiniinada noocaas ah.

Waxaa kale oo jira dhallinyaro xaddi badan oo kaniinka hurdada ah isticmaala iyagoo ujeedadoodu tahay in ay isdaroogeeyaan oo maandooriye ahaan u isticmaalaan iyagoo aan marna ka fekerin caafimaad ahaan waxyeellada ay kiniinadaa u geysan karaan.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in isticmaalka xaddi badan oo Diqzapem ama taramadol ah ay keeni karaan muqstaqbalka in qofka ay ku dhacaan laleelmo iyo cuduro kale oo halis ah oo ay ku jirto in ay ka gurto xasuusta qofka iyo xaalado kale oo halis ah .

Si arrimahan looga hortago waa in si adag loo dhaqan galiyo shuruucda iibinta dawooyinka ee ah in qofka lagu xiro waraaq dhaqtar isla markaana dadka dhallinyarada ah aad loo xadido ka iibinta laga iibinayo dawooyinka siiiba kuwan aan carrabaabnay ayna wasaaradda caafimaadku aad ula socoto qaabka dawooyinka loogu dhex iibinayo bulshada.

W/Q: Mohamed Shiil