Diyaaradaha Caalamiga oo hakiyay duulimaadyadii ay ku tegi jireen Israa’il

Diyaaradaha caalamiga ayaa hakiyay duulimaadyadoodii ay ku tegi lahaayeen garoonka diyaaradaha Israa’il ee Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv.

Gantaalaha kooxaha wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa awood u yeeshay inay gaaraan garoonka diyaaradaha Isaraa’il iyo magaalooyinka kale ee ay Israa’il xoogga ku haysato.

Shirkadaha Delta Airlines, United Airlines, Lufthansa iyo Austrian ayaa isbeddel ku sameeyay jadwalkoodi duulimaad ee ay ku tegi jireen Israa’il.

Sidoo kale Etihad Airways iyo Fly dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraatka ay si rasmi u joojiyay  duulimaadyadii ay ku aadi lahaayen Israa’il.

Israa’il ayaa duqeyn aan kala sooc lahayn  ka fulisay  marinka Gaza, waxeyna ku dishay in ka badan 180 qof oo ay ku jiraan 50 carruur ah.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe  ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan ka yeesho xaaladda Falastiin iyo Israa’il si xal deg deg ah looga gaaro dagaalka socda.