Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo daah-furay diiwaan gelinta doorasho qof iyo cod ah

Qardho.- Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland, Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta magaalada Qardho ka daah-furay Diwaangelinta Doorasho qof iyo cod oo si hordhac ah uga dhacaysa sannadkan degmooyinka Qardho ee gobolka Karkaar ah, Eyl-Nugaal iyo Ufeyn, Bari, kuwaas oo markii uu horaysay si toos ah u dooran doona golayaasha deegaanka degmooyinkooda.

Madasha Daah-furka waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Gudoomiyaha Maxkamadda sare, xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Baarkamaanka Puntland, Xubno ka socda urur siyaasadeedyadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka Puntland.

Doorashadan oo ah mid heer deegaan ah waxay noqoneysaa tii ugu horraysay oo dadku codeeyaan tan iyo markii la aas-aasay Puntland.

Guddiga madaxa banaana ee Doorashooyinka Puntland ayaa muddooyinkii dambe waday olole balaaran oo ay ku hirgelinayaan qabsoomida Doorasho qof iyo cod ah tan iyo markii lagu dhawaaqay xubnaha Guddigan.