Dabeylo ku dhuftay xeebaha Hobyo

Hobyo– Guddoomiye ku-xigeenka degmada Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in ay jiraan Dabeylo ku dhuftay Xeebaha hoos yimaada Hobyo, kuwaas oo saameyn ku yeeshay Kalluumeysatada Galmudug.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay Hobyo Horumar ballaaran sameyneyso sanadihii ugu dambeeyay, isagoona ku amaanay Ganacsatada Galmudug.

Inta badan xilligaan oo kale Dabaylo xooggan ayaa ku dhufta Xeebaha, waxayna saamayn ku yeeshaan dadka ku nool Xeebaha Dalka.