Goobaha loo dalxiis tago ee degmada Xuddur

Goobo aad u qurux badan oo loo dalxiis tago ayaa laga hirgeliyay degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo ay maalmaha fasaxa u damaashaad tagaan dad deegaanka.

Dadka qeybahooda kala duwan ee goobahaas u dalxiis taga ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay arrintaan qeyb ka tahay nabada iyo horumarka degmada oo horseed u ah maamulka K/galbeed.

Magaalada Xudur muddo badan ayay go’doon ugu jirtay maleeshiyada Al-Shabaab,balse Bulshada isma dhiibin oo waxay ku guuleysteen in ay iska wareejiyaan kooxda argagixisada ah.