Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ka tacsiyeeyey geerida Taliye xigeenkii qeybta guud ee Booliiska G/Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray, qoyska, caruurta, ehallada, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Taliye Xigeenkii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaanshaanle Sare Axmed Cabdi Wehliye.

Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa Alla uga baryay in Marxuum Axmed uu Jannadii Fardowso  ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu Alle ka siiyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka.

Alle ha u naxariiste taliye Ku Xigeenkii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Col Axmad Waawayne ayaa ugu geeriyooday Isbitaalka Digfeer dhaawac ka soo gaaray Weerar Argagixisanimo oo 09.05.2021 lagu qaaday Saldhiga Waabari.

Weerarkaasi oo ahaa Ismiidaamin waxaa horay ugu dhintay 2 Sarkaal, iyadoo Sarkaalkana uu noqonayo kii 3aad ee ugu darajadda sareeyay.
Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay geeridda Sarkaalkan.