Ra’iisul wasaare rooble oo hambalyo u diray xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku began 15-ka bisha May.

Raysalwasaaraha ayaa xusay doorkii xornimodoonka dhalinyaradda Sooomaaliyeed ka geysteen iyo inay dhalinyaraddu tahay laf-dhabarta bulshadeena markastana yihiin kuwo door weyn ka qaata hawlaha loogu adeegayo qaranka.

Ugu dambayn Raysalwasaaraha ayaa xusay in xukuummadiisu door weyn siinayso dhalinyaradda Soomaaliyeed” Xukuumadda Soomaaliyeed iyadoo garowsan muhiimadda dhalinyaradda Soomaaliyeed, waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo sidii loo xoojin lahaa ka qayb galkooda dhinacayadda kala duwan ee nolosha si gaar ahna siyaasadda iyo hoggaaminta Dalka.”