Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka qayb galay xafladda caleemo-saarka madaxweynaha jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qayb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas 23 April 2021.

Madaxweyne Geelle ayaa markii shannaad loo caleemo saarayaa taladda isagoo helay tirada codadkii dadweynuhu dhiibteen inta ugu badan oo ah 98.41% waxa sidoo kale caleemo saarka qayb ka ah badi madaxda Afrika iyo qaar ka mida Dawladdaha xidhidhka dhow la leh Dalka jabuuti.