Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo kulamo la qaatay Wasiirro ka tirsan dowladda Uganda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Mudane Jamaal Maxmed Xasan oo uu wehliyo Danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaliya ee Dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa Kulamo muhiim ah la qaatay  Wasiirada arrimaha Dibadda, Gaadidka iyo Ganacsiga ee Dalka Uganda.

Wasiir Jamaal ayaa ugu horeeyn kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Uganda Mudane Saam kuteesa, asigoo kaga mahadceliyay  Dawladda Uganda kaalinteeda kaga aadaan hawlgalka nabad ilaalinta iyo xaslinta Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM. Sidoo kale kulankan inta uu  socday ayaa looga hadlay xiriika laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada wadan ee Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale Wasiir Jamaal ayaa kulan la qaatay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee Dawladda Uganda Mudane Edward Katumba Wamala, kulankan ayaa loga hadlay arrimo la xariiro socdaalka, dhaq-dhaqaaqa dadka iyo Ganacsiga ee labada wadan si kor loogu qaado ama loo xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dal.

Ugu dambeyn Wasiir Jamaal ayaa la kulmay Wasiirka Gancsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Uganda Marwo Amiiliya jaambadee iyagoo kawada hadlay horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda. Kulakan oo qaatay saacdo dheer ayaa sido kale looga hadlay xoojinta iyo kor u qaadista xiriirka ganacsi ee labada dal.

Wasiirada ayaa isla gartay in muddo bil gudaheed ah Kampala lagu qabto kulan ay isku imaanayaan Ganacsatada Soomaaliya iyo Uganda si ay uga wada xaajoodaan xariirka ganacsi ee labada dal.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah safar shaqo oo uu Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Mudane Jamaal Maxmed Xasan uu maalmahan ku joogay dalka Uganda.