FADLAN KA TOOS MUWAADIN OO KU BARAARUG KHATARTA COVID- 19 INTAAN LAGU SEEXIN HALKAAN.

Ilaahey baa Mahad leh naga dhigay Ummad Islaam ah, waxaana Allaah ka baryeynaa in uu naga badbaadiyo shartiisa Cudurkan Caalamiga ah.

Haddaba, waa dilaa aan waxba u turin, waa dilaa aan maanta weli loo hayn daawo looga kaaftoomay Covid 19.

Sidoo kale, cudurkani waa xanuun ka qeylasiiyay dunida kuna laayay ummad fara badan waxayba ka badan yihiin dadka u dhintay xanuunkan Soomaali intey tahay wax ka badan adduunkoo dhan.

Haddaba, maadaama waxa aan ka hadleyno uu yahay cudurkan isaga gudbay Qaarad ilaa ka Qaarad, sow ma habboona inaan isaga digno Soomaaliyeey dabcan haa weeye jawaabtu.

Wasaaraddeenna Caafimaadku waxay noo sheegtay in aad looga taxaddiro cudurkan oo ku sii faafaya dalka, sida keliya ee looga hortegi karana ay tahay in qof waliba oo Soomaali ah ku ekaado gurigiisa, qaatana tilmaamaha ay bixinayaan khubarrada caafimaadka.

Hadda ka hor Hay’adda ICRC, waxay noo sheegtay in Cudurka saf-marka ah ee ‘COVID-19’  sidoo kale loo yaqaan coronavirus ayaa ka xoog badiyay nidaamyada daryeelka caafimaad horumarsan ee adduunka oo dhan.

laakiin haddii aan tallaabo dhakhso ah la qaadin si loo xakameeyo fayruska wuxuu yeelan karaa saameyn baa’an gaar ahaan meelaha ay saameyeen iska-horimaadyada iyo rabshadaha.

Dowladaha si dhaqso ah tallabo ayeey qaadeen oo ah  mamnuucidda safarada, is-karantiilka iyo tallaabooyin kale oo ka hortag ah.

Kuwani waa tallaabooyin muhiim ah oo la qaaday si loo xakameeyo faafinta COVID-19, laakiin haddii uu ka dillaaco degaanno dad fara badan ku nool yihiin, oo aan laga heli karin biyo nadiif ah ama leh nidaamyo daryeel caafimaad oo daciif ah, waxaa laga yaabaa inay la kulmaan dhibaato bani’aadamnimo oo cusub ah oo welibana khatar gelin kara naftooda.

Haddaba, Muwaadin qaado talooyinka, qaado talaalka adigoo aan marnaba ka fikirin hadallada qiyaaliga ah ee lays dhex wado.

Xiro afkaada iyo sankaada adigoo ku asturaya Face Maska, gacmahaagana dhaq oo geli waxa loo yaqaanno Gloves ama gacno gashi, ha ku qufacin, hana ku hindhisin meelaha dadku ku badan yahay.

Allaah heynaga xafido dhammaanteen, Talana waa qaadasho iyo ku dhaqan hab tilmaameedyada taqaatiirta Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin heeganka ugu jiro inay la dagaalaan Alle heynaga najeeyee cudurkan aanfada ku noqday dunida oo dhan Aamiin.

W/Q: Osman Dhiblaawe