DADKA MUQDISHO OO KA CABANAYA QIIMAHA KHUDAARTA OO KOR U KACAY

Xilligan aynu ku jirno oo ah bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa dadka ku nool Muqdisho iyo ganacasatada suuqyada khudaarta ayaa sheegaya in uu kor u kacay qiimaha khudaarta .

Arrintan ayaa loo sababeynayaa in ay xilligan jiraan abaaro iyadoo xilli roobaadkuna haatan uun uu bilow yahay taas oo keentay in ay yaraato khudaarta soo gaareysa magaalada Muqdisho

Sidoo kalena xilliyadan ayaa ah xilliga soonka oo dadku aad u isticmaalaan khudaarta siiba muuska, cambaha , shamaamka , qaraha , yaamyada  basasha iyo wixii la mid ah.

Hooyooyin ku ganacsada suuqyada Muqdisho oo iibiya khudaarta ayaa sheegay in mar walba oo la gaaro xilliga soonka uu isbedel ku yi,aado qiimaha khudaarta ayna kor u kacdo ayna muddo kooban ka helaan daqli fiican oo ay ku noolaan karaam .

Waxay khudaarleydu sheegayaan in ay xilli roobaadka oo kaabiga soo haya awgeed ay ka walwal qabaan in dhulalka qaar ee ku yaalla Sh/hoose ,Afgooye iyo Sh/dhexe ay suurtagal tahay in waddooyinka qaar ay noqdaan kuwo aam la mari Karin oo ay go’aan .

Beeraleyda goboladaas ayaa sheegay in xilliga keliya ee ay khudaarta wax badan ka soo saaraan ay tahay xilliyada la gaaro soonka halkaas oo ay sheegeen in ay ka helaan macaamiil aad u fara badan.

Dadka reer Muqdisho ayaa sheegay in xilligan ay laba jibbaar kor u kaceenn qiimaha khudaarta aadna xilligan loogu baahan yahay khudaar fara badan oo la soo galiyo magaalada.

Siyaabaha kale ee uu ku imaan karo kor u kaca qiimaha khudaarta ayaa ah colaadaha ka jira meelaha qaar ee dhul beereedka Sh/hoose oo ay ka jiraan xaalado degemaamsho la’aan oo beeraleyda qaar ku kallifay in ay ka soo barokacaan degaanadoodii wax soo saarka .

Inkastoo qiima- kacaas uu ku yimid khudaarta Muqdisho hadana weli aad ayaa khudaarta looga helayaa caasimadda oo suuqyada waaweyn ee khudaarat ee Bakaaraha iyo X/weyne waa mashquul dadkuna aad ayey u iibsanayaan khudaarta.

W/Q: Mohamed Hassan