SIDAAD MOODEYSO MAAHA

Noloshu sideedaba waa socdaal waana mid isbedel joogto ah mana aha mid taagan oo ku sugan halka aad ka fileyso waxaase ku badan lamo filaanka .

Qofba dhan u qaaday waxaase jira is moodsiin qofku si u doonayo in ay u ahaato waxaase jira caqabado noloshu wadato oo aan mararka qaar la dhaafi Karin oo ay kugu adkaaneyso.

Waxaad filataa wanaag oo weligaa xumaan ha rajeyn laakiin sida aad ku gaari karto ka feker oo is adkee hana niyad jabin taas oo kugu hoggaamin karta guul .

Dunida sidaad moodeyso maaha oo weligeed farxad keliya lagama fekeri karo oo waa in aad ku talogashaa guuldradana waayo waa labo arrimood oo nolosha isku barbar socda.

Ha is moodsiin in aad gaartay garaafka nolosha heerka ugu sarreeyey inkasta oo ay dhici karto in aad hanta badan yeelan karto waayo nimco kasta nusqaanteeda ayey leedahay oo adigoo wax walba heysta ayey dhici kartaa in aad weyso caafimaad aad ku cunto.

Is moodsiiska wuxuu keenaa in aad is gaarsiiso meel aadan tagin oo ay is moodsiiskaasi ku gaarsiiyo heer qar iska tuurnimo.

Haddii aad tahay siyaasi , aqoonyahan ama caaqil la yaqaan ha is moodsiin in aad tahay shaqsiga ugu heysta ama ugu wanaagsan taas haddii aad ku fekerto waxaad ku dhaceysaa dabin ah in aad isla weynaato oo qadka ka baxdo.

Qofka ku nool nolol caadi ah oo isweyneyn oo dadka la tashada wuxuu helaa taageeero iyo xushmad bulshadana wey soo dhaweysaa taas oo mansab dambe hadduu doono uu ku gaari karo.

Sida aad moodeysid maaha nolosha way kooban tahay weyna noocyo badan tahay ha ku fekerin in meesha aad joogto aadan ka dhaqaaqeyn oo isbedel kugu imaan Karin.

Dooro nolosha caadiga ah ee lagula wadaagi karo dadkana aad la qeybsan karto taas oo kuu horseedi karta isbedel iyo la saanqaadida nolosha dhabta .

W/Q: Mohamed Shiil