Dhaqdhaqaaqa Ururka Xamaas oo sharuud ku xirtay cid kasta oo dooneysa in ay dhexdhaxadiso Iyag iyo Isra’iil.

jihaadiyiinta Xamaas ee reer Falastiin ayaa sheegay in cid kasta oo dooneysa in ay dhexdhaxadiso Falastiin iyo Isra’iil, ay marka hore tahay in ay xoogga saarto sidii Yuhuudda u joojin laheyd gardarrada ay ku hayso Ummadda reer Falastiin.

Casat Al-Rishqi, oo ah xubin ka tirsan xafiiska siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, ayaa shaaca ka qaaday, in ay jiraan dhinacyo waddo dadaalo ay ku doonayaan sidii loo heli lahaa xasilooni u dhexeeysa Israa’iil iyo Falastiin, gaar ahaan xaalada ka taagan Marinka Qasa iyo Qudus, balse waxuu sheegay in dhankooda ay ku wargeliyeen in marka hore Yuhuudda ay joojiso weerarada gardarrada ah ee ay ku soo qaaday dhulka Falastiin..

Go’aankeenna waa in marka hore la joojiyo weerarada gardarrada ah ee ay wadaan xoogaga Sahyuuniyadda, sida duqeymaha bahalnimada ah ee lala beegsanayo dadka rayidka ah ee Marinka Qasa, ayuu yiri: Al Rishqi

“Waxaan uga dignay Ciidamada Yahuudda inay sii wadaan falalka gardarada ah ee ay ku ahayaan shacabkeena, haddii kale waxay naga filandoonaan jawaab ay ku tijaabin doonaan dulqaadka iyo naxdinta” sidaas waxaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Xamaas.

Dadka Falastiiniyiin ayaa beryahii danbe la kulmayay weerarro joogtada ah oo u badan duqeymo, kuwaa oo intooda badan ka dhacay marinka Qasa iyo Qudus.