Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in 134 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 134 qof oo cusub 48-dii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,325.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale xaqiijisay in la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (37) Puntland (20) gobalka Banaadir (7) Hirshabeelle (5), Jubbaland (1) iyo Koonfur Galbeed (1) taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,486.

Bukaannada cusub 46 ka mid ah waa rag 25-na waa dumar, 48-kii saac ee ugu dambeeyay 6 bukaan ayaa u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 753 qof.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.