Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay in berri la kaamilayo 30 ka bisha Ramadan

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in caawa ay Wasaaradda iyo culimada Soomaaliyeed sameeyeen xiriiro kala duwan oo ku aadan baadi goobka bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo shaaciyay in dalka Soomaaliya aysan barri ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo 30-ka bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka oo ay wehliyaan Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa illaa afurkii caawa ku sugnaa xarunta Wasaaradda Warfaafinta si ay u xaqiijiyaan bilashada bisha Shawaal (Soon Fur).

Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan Dowladaha Islaamka ku dhawaaqeen in berri aysan ciid aheyn.