Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda oo shir aaladda fogaan araga kaga qeybgalay Golaha Jaamacadda Carabta.

Muqdisho, May 11, 2021 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balaal Maxamed Cusman, ayaa maanta oo Talaado ah ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir ee aan caadiga ahayn.

Fadhigan oo looga hadlaayay gardarada Israel ee ku wajahan magaalada Qudus oo ay ku jiro Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaafadda Sheikh Jarrah

Mudane Balaal Cusman oo matalayey Dalkeen ayaa khudbaddii uu ka jeediyey kulanka waxa ay aheyd sida tan:-

Mudane Sheikh Maxamed Bin Cabdulraxman Al Thani, Raiisel wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada ee dawlada aan walaalaha nahay ee Qatar, Gudoomiyaha kalfadhiga hada socda
Mudane Axmed Abu Al-Ghait – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.
Iyo Dhamaan Mudanayaasha kale ee sharafta leh

Asalaamu calaykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu (ASC)

Qabashada kulankeena deg-deg ah ee heer wasiir waxay ku timid kalfadhi aan caadi aheyn oo ay codsadeen Dowlada walaalaha ah ee Falastiin si looga hortago dambiyada arxan darada ah ee Israa’iil iyo weerarada lagu hayo nafta, karaamada iyo hantida dadka reer Falastiin.

Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin. Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo talaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah.

Soomaaliya waxay xaqiijineysaa u hoggaansanaanta Hindisaha Nabadda ee Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo qaddiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo qaraarrada sharci ee caalamiga ah iyo qaraarada khuseeya ee Golaha Amniga ee arrintan la xiriira.

Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israel inay joojiso dhammaan Weerarada isdaba jooga ah ee Israel ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimada ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay.

Gabagabadii, waxaan cusbooneysiineynaa go’aankeena ah inaan sameyno dadaal kasta si aan ugu adeegno sababaha dalalkeena, waxaana ilaah ka baryeynaa inuu naga caawiyo danta ugu fiican qarankeena iyo inuu nagu taageero dadaaladeena si aan uga gudubno xaaladaha gaarka ah ee umadeena carabta ah la soo dersaya.
Eebbe ayaa Kaalmo iyo Ilaalinba weydiisaneynaa

Wasalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuh