Ururka Jaamacadda Carabta oo kulan ka yeelanaya dadkii lagu wax yeeleeyey Masjid Al-aqsa

Kulanka Wakiillada Joogtada ah ee Golaha Ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta ka dhaco Xarunta ururka Jaamacada Carabta Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkaan oo la filayo in looga hadlo arrimaha dalka Falastiin iyo tacdiyada ka dhanka ah Falastiniiyiinta ee ay waddo Israa’iil ayaa waxaa shir gudoomin doona Dowladda Qadar.

Shirkan deg deg ah ee looga hadlayo Tacadiyada iyo weerarada Askarta Yahuuda u geystaan dad ku cibaadeysanayo Masjidka Al-aqsa ayaa codsigiisu ka yimid Dowladda Falastiin waxaana ku dhawaaqay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee ururka Jaamacadda Carabta