Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Jen. Mukhtaar Hussein Afrax ayaa tacsi udiray Ehelkii dadkii ku dhintay Qaraxa

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u-heshiisinta Jen. Mukhtaar Hussein Afrax ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada, Taliksa Ciidanka Booliska iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay Degmada waabari Ee magaalada Muqdisho.

Inta dhimatay allaha u naxariisto inta dhawacana allaha bogsiiyo. cadowga argagixisada ah waa in aan si wadajir ah ula dagaalnaa shacab iyo Dowladba. Ayuu yiri Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u-heshiisinta Jen. Mukhtaar Hussein Afrax.