Wasaaradda Waxbarashadda XFS oo daah furtay Buugaagta farta Bareelka ee Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Nuuriyo  Aadan Ciise ayaa daah furtay buugagta farta Bareelka ee  Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe  oo ay wax ku bartaan dadka araga la’a  ee loo yaqaan  bareelka (braille).

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Marwo Nuuriya Aadan Ciise oo ka hadashay Munaasabadda daah furka ayaa sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada ay ka go’an tahay in ay xaqijiso Waxbarasho loo dhan yahay, taasi oo micnaheedu tahay in canug kasta oo Soomaaliyeed uu helo Waxbarasho marxalad kasta oo uu ku sugan yahay.

Bugagtaan maanta  la daah furay ayaa waxa ay ka kooban yahiin Fasalka 1-aad illaa Fasalka 8-aad ee Dugsiga Hoose iyo Dhexe looguna tala galay in ay daboolaan baahida 651 arday oo araga naaafa ka,  waxaana tiradoodu  dhan tahay  8618 buug,  sidoo kale waxaa madasha lagu soo bandhigay qalab loogu tala galay caruurta qabta baahiyaha gaarka ah.

Munaasabada lagu soo bandhigayay buugagta farta bareelka  Waxaa ka soo qayb galay agaasimayaasha, waaxda hormarinta adeegyada waxbarashada, waaxda hormarinta manaahijta, waaxda qorsheynta iyo agaasimaha waaxda waxbarashada dadban (Tvet & NFE), Munaasabada waxaa dhanka fogaan araga uga qayb galay hay’adaha taageero waxbarashada.