Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Madaxda Waaxyaha Dakhliyada Dowladda Hoose ee Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan la qaatay Madaxda Waaxyaha Dakhliyada Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dakhliyada, si kor loogu qaado adeegyada loo hayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa kula dar daarmay Madaxda iyo Howlwadeenada Waaxyaha Dakhliyada inay labo jibaaraan howsha loo igmaday.