Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug oo kulan la qaatay qaar ka mida saaxiibada beesha caalamka

Madaxweynah dowladda gobolkeedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta ka qeybgalay shir ay ku casuumeen qaar ka mid ah saaxiibada Beesha caalamka Soomaliya oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

Madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa ka wada hadlay xaaladda doorashooyinka iyo qabsoomidda Shirka wadatashiga qaran ee lagu balansanyahay Muqdisho 20-ka May 2021.