Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay goobaha uu fatahaadda ka sameeyay webige Shabeelle ee Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Qaar ka mid ah Wasiiradiisa ayaa uguĀ  horeyn kormeer u kuur gelid ah ku tegay qeybo ka mid ah goobaha uu ku fatahay Wabiga, isagoo ku baaqay inay soo dhoweynayaan cid walba oo gacan ka geysan karta xeritaanka goobaha uu ka fatahay wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhanka kale baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya duleedka magaalada Beledweyne isagoo ku baaqay inay nabadda qaataan oo ay wax waliba ku dhameeyaan miiska wada hadalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay howlihii shaqo ee uu u joogay magaalada Muqdisho iyo dadaaladii nabadeed ee la gaaray.