Marxuum Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo maanta lagu aasay Muqdisho

Alle u naxariistee meydka Marxuum Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil ayaa salaadda Janaasada lagula oogay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka,waxaana ka qeyb galay Ku-simaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad Mudane Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muudeey,Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ku-simaha Ra’iisal wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Ehalada Marxuumka, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Marxuum Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil ayaa lagu aasay Isbitaalka Xoogga dalka.

Ehalada Marxuumka ayaa beeniyay inuu u geeriyooday Cudurka Corono Virus,dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay aaska meydka Alle ha u naxariistii Ex-Xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumka.