Wasaaradda Arimaha Gudaha oo qabatay Kulan lagu dhameystirayo la tashiga Siyaasadda Diiwaangelinta Madaniga.

SONNA- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa qabatay Kulan lagu dhameystirayo la tashiga Siyaasadda Diiwaangelinta Madaniga.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wakiillo ka socda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Gobolka Benaadir, Hay’adda Istaatiskada Qaranka, Hoggaanka Socdaalka & Jinsiyadaha iyo Wasaaradaha ku lammaanan howshan oo kala ah; Wasaaradda Waxbarashada H&T Sare, Wasaaradda Diinta & Awqaafta, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha -Mwhrd , Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada..

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta XFS Md. Siciid C/laahi Calasow oo daahfuray kulanka ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay Siyaasadda Diiwaangalinta Madaniga.