Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday guddomiyaha Xisbiga Wadajir Party

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Hijaar oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday guddomiyaha Xisbiga Wadajir Party Abdirahman Abdishakur Warsame.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa bilaabay Todobaadkii dhamaaday inuu kulamo la qaato siyaasiyiinta mucaaridka, Kulamadaas oo xooga lagu saarayo sidii amniga looga wada shaqeyn lahaa .