Taliyaha Booliska oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ay weheliyaan Taliye ku Xiggeenka iyo Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.