Shirka Toddobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay sare u qaadidda Dakhliga iyo Bilicda Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ay goob-joog ka ahaayeen Ku-xiggeenada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.

Shirkaan ayaa looga hadlay dar-dar gelinta Howlaha Nadaafada iyo Bilicda Magaalada Muqdisho, maadaama la guda galay xilli roobaad, isla markaana maalmo ay naga xigaan Maalinta Ciida Soonfur.

Sidoo kale shirkaan ayaa looga hadlay sare u qaadida dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar.