Munaasbad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay.

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa maantay muqdisho ku qabatay munaasbad lagu xusay maalinta Caalamiga ah ee Umulisada aduunka waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka, Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, dhaqaatiir, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasabada ayaa waxaa daahfuray wasiirka cafimaadka HE Dr. Fawziya Abikar Nuur iyadoo bogaadisay dadaalka adag ee Umulisooyinka Soomaaliyeed ugu jiraan badbaadinta hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.
Sannad waliba, 5ta May ayaa waxaa dunida oo idil lagu qabtaa Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada, si sarre loogu qaado wacyiga dadweynaha ee ku aaddan kaalinta umulisada ee wax u qabashada Hooyada iyo Dhallaanka.
Si taas looga turjumo ayaa hal ku dhegga Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada ee sannadkan 2021, waxaa loo xushay inuu noqdo “Follow the Data: Invest in Midwives.” “Aan la soconno xogta (Hooyada iyo Dhallaanka); si aan u maalgalinno Umulisada”