Madax ka kala socota Dowladaha ku midoobay G7 oo shirk ku yeeshay London

Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada loo yaqaano G7 ayaa kulankooda diiradda ku saaray dhaq dhaqaaqa Ruusha uu kawado Ukraine, xaaladaha Iiraan, Shiinaha iyo Bariga Africa

Shirkaan oo ay yeesheen todobada wadan ee ugu tunka weyna dhaqaalaha dunida ayaa ka dhacay Magaalada London ee xarunta UK, waxaana looga hadlay waxyaabo badan oo waqtigan caalamka ka socda oo ay ka mid tahay dhiibaatada ka taagan dalka Myamaar.

Sidoo kale shirka waxaa looga hadlay faragelinta Ruushka ee Ukraine, gaar ahaan gobolka Crimea,Shiinaha,arrimaha hubka Nuclear-ka Iiraan,xaaladaha ka taagan dalalka Suuriyada iyo liibiya iyo sidoo kale dagaalada ka socdo dalka itoobiya.

Ka qeybgalayaasha sanadkaan Shirka lagu casuumay ayaa waxaa ka mid ahaa dalalka Australia, Koofurta kuuriyada,India,iyo Koofur Africa.
Waxyaabaha kale ee shirka inta uu socday diirada lagu saaray ayaa waxaa ka mid ahaa xiriirka ka dhaxeeya waddamada Ruush,Shiinaha iyo Iiraan iyo in 15 bilyan lagu maalgeliyo haweenka ku nool wadamda soo koroya ee dunida.

Shirkaan waxaa ka qeyb-galay Wasiiradda arrimaha dibadda dalalka UK, Fransiiska, Germalka,Talyaaniga, Canada,Japan iyo sidoo kale Mareykanka, waxaana sheegeen in waddamada reer Galbeedka wali ay mideysanyihiin.