Kulan looga hadlayay sugidda Amniga deegaannada Koonfur-galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Amniga  Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isxaaq Cali Subug Ayaa ka qayb galay todobaadkan kulan looga hadlay Amniga Koonfur Galbeed ayaa lagu qabay magaalada Baydhabo.

kulanka ayaa Todobaadkan looga hadley xoojinta Amaanka iyo wadashaqeynta ciidamada ayaa warbixino laga dhageystey saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur-galbeed.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay laamaha Amniga qeybahoda kala duwan ee maamulka Koonfur-galbeed sida ay ugu taagan yihiin  usugeyaan amniga.

Shirka waxa ka soo qeyb galey taliyaasha Ciidamada xoogga dalka , Booliska , Nabad Sugida ,AMISOM iyo Saraakiil kale.