Webiga Shabeelle oo fatahado ka sameeyey deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Qaybo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa wali wax ka socda fatahaaddaha uu sameeyey Webiga Shabeelle oo sababay barkac shacab fatahaadda webiga shabeelle oo 3 cisho ka hor ku fatahay tuulooyinka Baarey iyo moyko oo labadoodu ba u dhaw magaalada Jowhar.

fatahaadda biyaha  ayaa gooyey dhul beereed aad u balaraan oo ay ku beernaayeen wax soo saarka qaybahooda kala duwan inkasto wasaaradda Beeraha Hirshabeelle wali tiro koob rasmi ah kasoo saarin.

Isu socodka gaadiidka  wadadda xiriirisa jawhar iyo balcad ayey xinibeen biyaha maadama ay yihiin kuwa xoog ugu baahaya deegaanka, dhinac kale wararka ayaa sheegaya inay go’day wadadda jowhar iyo garoonka diyaaraddaha Maxamed dheere oo ay samayn ku yeesheen fatahaadda uu sameeyey Webiga Shabeelle.

Waxa jira cabsi laga qabo inay korodho qiimaha maceeshadda kala duwan maadaama ay fatahaadda sababi karto inay yaraadaan isu socodka gaadiidka deegaanka soo geliya badeecaddaha quutal daruuriga ah.