Soomaaliya oo safiirada caalamka ee Muqsisho jooga gaarsiisay go’aankeeda ku aaddan gardarrada Ethiopia

Wasaaradda arrimaha dibedda dowladda FS oo maanta shir isagu yeertay danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa warbixin ka siisay Xaaladda Go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan Xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee JFS.

Siihaayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda dowladda FS Cali Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka oo muhiim ahaa uu ku saabsanaa in Danjireyaasha caalamka dowladdu garsiiso go’aankeeda ku aaddan talaabada xadgudubka ah ee ay qaadday Xukuumadda Addis Ababa.

GAD oo warmurtiyeed ka soo saartay Xiriirka DF Soomaaliya iyo Itoobiya

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada u dambeeyay ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Itoobiya (FDRE) iyo dawladda federaalka Soomaaliya (DFS). IGAD waxay si qoto dheer ah ula socotaa xaaladda waxayna aqoonsan tahay saamaynta ka dhalan karta xasilloonida gobolka.

Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda urur gobaleedka IGAD in gacanta lagu dhigo xaaladan, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad lagu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD.

IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka.

Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Ciraaq oo guddoon doortay

Xubnaha Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ee Dalka Ciraaq , ayaa maanta iska dhex doortay guddoonka guddigaas ee dhinaca Somaliya.

Doorashada oo ahayd hab gacan taag ah kana dhacday Villa Hargeysa ayay ku doorteen xubnahan kala ah:

Guddoomiye: Sanatar. Sareedo Maxamed Xasan Jayte
Guddoomiye ku xigeen: Saciid Maxamed Maxamuud xaydXoghaye: Fa’isa Maxamed Jayte

Waxaana goobjoog ahaa Habdhowre Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka” Xoghayaha Guude Ee Golaha Shacabka BJFS iyo Xoghayaha Guud Ee Golaha Aqalka Sare.

Xubnaha la doortay ayaa balan qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo shacabka walaalaha ah ee labada dal.

Sirdoonka Turkiga oo sheegay inay gacanta ku soo dhigeen tiro kamid ah Mossadka Isra’iil

Sirdoonka dalka Turkiga ayaa sheegay in Taladadii Shalay ay gacanta ku dhigeen in ka badan 30 Eedeysane oo la sheegay inay ka tirsanyahiin Mossadka Isra’iil, kuwaa oo laga soo qabqabtay  qeybo ka mid ah Gobalada Turkiga.

Dadkan la xir xiray ayaa la sheegay in ay qorsheynayeen beegsiga dad Ajanabi ah oo ku nool gudaha Turkiga, kuwaasi oo anan la shaacinin dalalka ay u dhasheen.

Xafiiska Dacwad-Oogaha magaallada Istanbul ayaa dhawaan soo saaray Amar lagu soo xirayo 46 Eedeysane oo la tuhunsanyahay in ay u shaqeynayeen Hay’adda Sirdoonka Isra’iil ee loo yaqaanno Mossad.

RW ku xigeenka dalka : Waxa maanta ii muuqatay cududda, caqliga, kartida iyo awoodda ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in filicka dowladda Itoobiya ee ku aaddan qaadashada badda Soomaaliya ay in ay dhalisay yididiilo cusub oo mideysay dareenka bulshada Soomaaliyeed.

“Dhiiladii shalay waxa bededalay yididiilo, dhaqaaq, dedaal iyo ficil, haddaynu Soomaali nahay waxa maanta ii muuqatay cududda, caqliga, kartida iyo awoodda ummadda Soomaaliyeed, marka ay midaysan tahay, heshiis ku-sheeggii sharci-darrada ahaa ee 1/1/2024 magaalada Addis Ababa ay kaga dhawaaqeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo  xadgudub cad iyo gardarro ku ah gobannimada, qarannimada, madax bannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Mudane Saalax ayaa sheegay in damaca Itoobiya uu mideeeyay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba , wuxuuna xusay in ficillada caynkan ahi ay xadgudub cad ku yihiin mabaadi’da caalamiga ah iyo kuwa u yaal Qaramada midoobay iyo  Midowga Afrika, sidoo kalana ay waxyeello ku yihiin deris-wanaagga iyo nabadda gobolka.

“Dadweynaha Soomaaliyeed, waxa ay si isku-duubni ah u muujiyeen dareenkooda ku aaddan gardarrada iyo daandaansiga Dawladda Itoobiya kula kacday gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa na ay wadajir uga soo horjeesteen faragelin walba oo loo geysto qarannimada, midnimada dhuleed, iyo madaxbannaanida Soomaaliya”.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed in ay ilaashaadaan gobannimadooda iyo midnimadooda, wadajirna uga hortagaan cid walba oo duullaan ku ah dhulkooda iyo madax bannaanidooda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dadweynaha ku nool Somaliland ay  boqolaal sano hormuud u ahaayeen difaaca iyo gobannimada Soomaaliyeed oo ay yihiin kuwii keenay midnimada sannadkii 1960 kii.

Mudane Saalax ayaa bulshada Soomaaliland kula dardaarmay in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee u istaaga difaaca, sharafta iyo karaamada Soomaaliyeed, maaddaama uu Itoobiya damac kaga jiro mar kale geyigeenna.

Qaar ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya oo cambaareeyay damaca Itoobiya

Guddoomiyaha Aqalka sare e BFS, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay weligeed ku taameysay in ay hesho dhul kale oo ay Soomaaliya leedahay, gaar ahaan badaheenna.

Wuxuuna cod dheer ku sheegay in aysan badda Soomaaliya ahayn neef xoolo ah oo uu qof suuqa geysanayo balse baddeennu intaas ay  ka culus tahay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi” Badda Soomaaliya ma ahan neef xoolo ah oo uu qof suuqa geysanayo”.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo isna ka hadlay heshiis ku sheegga dhex maray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa sheegay Muuse dadka reer Soomaaliland uu ku wado haadaan jarna ridayo , isla markaana uu baabi’inayo wixii ay soddonka sano ku tabcayeen.

Wasiirka Maaliyadda XFS Xil, Biixi Iimaan Cige ayaa si weyn u soo dhoweeyay qaraarkii ay soo saartay Xukuummadda iyo xeerka labada gole ee BJFS, kaas oo wax kama jiraan ka dhigay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Muuse Biixi.

Wuxuuna intaa ku daray in aysan Soomaaliya aqbalayn in ciddi ka mid ah dhulkeeda in la qaato, wuxuuna faray bulshada Soomaaliyeed in si weyn looga dhiidhiyo loona midoobo difaaca dalka.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in waxa ka dhacay magaalada Addis Ababa ay xadgudub ku tahay qarananimada iyo midnimada Soomaaliya.

Mudane Maareeye ayaa sheegay in dadka  ku dhaqan gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay weligood ahaayeen kuwo ku suntan waddaninimo, hormuudna ay ka ahaayeen halganka iyo gobannimada dalkeenna, wuxuuna faray shacabka Soomaaliland inuusan Muuse Biixi ka qaadin sharafka iyo karaamada ay leeyihiin.

Ugu dambayn, Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn dadka Soomaaliyeedna aqbali karin in si dhayal ah lagu dhaxal wareejiyo.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka JFS oo dhaleeceeyay damaca Itoobiya

Guddoomiyihii hore ee Gollaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Is-afgaradka Abiy iyo Muuse, (MoU) wuxuu xad-gudub ku yahay, Qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna saameyn xun ku yeelan doonaa xasiloonida iyo nabadda Gobolka.

Waxaa muuqata in nidaamka ka taliya Addis Ababa uu iska indho-tirayo shuruucda iyo qawaaniinta Caalamiga ah oo xaq u siinaysa Dowladda Soomaaliya oo keli ah in ay geli karto heshiisyada caalamiga ah kuna matali karto magaca jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya heer caalami.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa u caddaatey in nidaamka ka taliya dalka Ethiopia uu ku riyoonayo siduu u boobi lahaa qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya, waana riyo nidaamyadii kan ka horreeyay ee Ethiopia ay  ku riyoon jireen.

In loo istaago difaaca gobonimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa waajib saaran Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Israa’iil oo dishay ku xigeenkii madaxa xafiiska Siyaasadda Xamaas

Fiidnimadii Xalay, dhaq-dhaqaaqa Xamaas ayaa ku dhawaaqay in la dilay ku xigeenkii madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas Saalax Al-Caruuri iyo laba kale oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha kooxda.

Duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa lagu beegsaday xafiiska dhaq-dhaqaaqa Xamaas uu ku lahaa duleedka koonfureed ee Caasimadda Lubnaan.

Wakaaladda wararka Lubnaan ayaa sheegtay in Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay beegsadeen xafiiskii ay Xamaas ku laheyd degaanka Musharafiya, taas oo keentay in saddex ka mid ah Sarakiisha Xamaas lagu dilo.

Al-Caruuri ayaa dhowr toddobaad ka hor ka soo muuqday telefishanada ku hadla Afka Carabiga, isaga oo bixinaya Wareysiyo uu kaga hadlaayay gardarada Ciidamada Isra’iil ay ku hayaan dadka iyo dhulka reer Fastiin.

Midowga Yurub oo taageeray go’aanka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya

Ururka Midowga Yurub oo ka hadlay Xadgudubka dowladda Itoobiya ayaa  garab istaag u muujiyay Dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay  Midowga Yurub ayaa lagu yiri “Waxaa lagu war galinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurka u yaalla Soomaaliya, Axdiga Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay, Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.”

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo kan gobolka, iyagoo isla soo qaaday sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka soo jireenka ee labada dal.