Mareykanka oo walaac ka muujiyay xadgudubka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya

Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibadda Mareykanka Matt Miller ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay aqoonsan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya taas oo ku saabsan xuduuda 1960.

“Waanu aragnay warbixinataas,waanu ka walaacsanahay,waxaanu ku biirnay asxaabta kale si aanu u muujino walaacayada halista ah iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan Geeska Afrika, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay wadahadlaan oo ay xiisadda ku xalliyaan wada hadal,.Maraykanka waxuu aqoonsanyahay madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda unaa u yahay 1960-kii,” ayuu yidhi Miller.

Dowladda Mareykanka ayaa ku soo biirtay ka falcelinta xadgudubka ay dowladda Itoobiya kula dhaqaaqday dhulka iyo xuduudah Soomaaliya oo si weyn uga caroodeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Midowga Afrika oo ku booriyay Soomaaliya iyo Itoobiya inay si nabad ah ku xalliyaan xiisadda tagaan

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat wuxuu si dhow ula socdaa xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee (Soomaaliland) ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Midowga Afrika”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”. Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinac,si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Sidoo kale guddoomiyaha guudigga Midowga Afrika midowga Moussa Faki ayaa ku baaqay in laga fogaado waxkasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika, ayuu yiri Mr Faki.

Wuxuu intaasi ku daray in la ixtiraamo madaxbanaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah,Midowga Afrika, oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada, si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda, ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Midowga Afrika ayaa labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah u bilaabaan wadahadalo lagu xalinayo kala duwanaanshiyohooda, iyadoo dhanka wanaagga ah laga eegaayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadahan soo cusboonaaday.

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS oo mamnuucay in hubka lala soo galo Stadium Muqdisho

Warqoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS ayaa lagu yirii:-wasaaradda  dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS waxay ammaan iyo bogaadin u soo jeedinaysaa taageerayaasha kala duwan ee ciyaaraha dowladd goboleedayda iyo gobolka Banaadir sida ay ula shaqeeyeen laamaha ammaanka iyo habmaamuuska ee wasaaraddu u xilsaartay.

Intii ay ciyaarahu socdeen waxaa soo baxay arrimo dib u u qiimayn  u baahan oo wasaaraddu ku baraarugtay o halis gelin lara bedqabka ciyaaryahanada, masuuliyiinta dowladda iyo taageerayaasha garoonka jooga.

Hadaba si looga fogaado nugeylka bedqabka tobanaanka kun ee garoonka jooga waxay wasaaradda  soo saaraysaa go’aamadan:-

1:-Waxaa gudaha garoonka  laga mamnuucay ilaalada hubka wadata ee farah badan oo abuuray caqabado xagga ammaanka ah.

2:-Waxay wasaaradda diyaarsiay ciidamo ammaan oo ku filan ilaalinta masuuliyiinta garoonka imaanaysa.

3:-Ciidanka iyo habka waxaa lagu soo reebayaa goobo loo cayimay oo ku yaala afaafka hore eegaroonka.

4:Waxaa ammaanka garoonka iyo nawaaxigiisa masuul ka ah hay’adaha amniga ee gobolka Banaadir.

5:-Sidoo kale wasaaraddu wax ay u fududeyneysaa taageerayaasha tikidhada garoonka in laga heli karo dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Banaanbax looga soo horjeedo damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliyeed oo mar kale ka dhacay Muqdisho

Kumannaan dadweyne ah oo ka careysan damaca Dowladda Ethiopia ee Badda Soomaaliya ayaa caawa isugu soo baxay waddooyinka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadweynaha isu soo baxay ayaa aad uga careysan tallaabada ay qaaday Dowladda Ethiopia, taasoo kowdii bishaan ku dhawaaqday wax ay ugu yeertay is Afgarad ay lagashay Somaliland.

Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi.

“Waxaan garabtaaganahay dowladdeena iyo go’aanka Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ee ah in aysan marnaba wax gorgortan ah ka gali doonin ciidda iyo madaxbaanida Umadda Soomaaliyeed “ ayay Caasha Xasan Nuur oo ka mid aheyd Dhallinyarada caawa isusoo baxday .

Ra’iisul wasaare Xamse oo xarigga ka jaray machadka daraasaadka Islaamka

R’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, ayaa sheegay machadkani looga fadhiyo in uu soo saaro aqoonyahan diimeed oo bulshada ku haga jidka saxda ah ee ay shareecadu ina fareyso.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in aqoonyahanka ka howlgalaya machadkani ay ku yimaadeen tartan furan, taas oo ka tarjumeysa sida ay Xukuumadda Danqaran mudnaanta u siineyso daah-furnaan iyo in aqoon lagu tartamo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in xaruntani loo aas-aasay kobcinta diinta Islaamka iyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan aqoonyahan faham buuxa u leh axkaamta kala duwan ee shareecada Islaamka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare hirgelinta Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, isaga oo faray in xaruntani ay noqoto mid tayo leh oo u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadii ay ku shaqeyn lahayd.

Magaalada Caad ee gobolka Mudug oo Khawaarijta laga saaray

Baxdo: Ciidamada difaaca shacab (Macawisley) ayaa gudaha u galay magaalada Istaraatiijiga ah ee Caad oo dhacda Koofurta gobolka Mudug kana mid ah goobihii ugu dambeeyey ee Khawaarijtu ka joogtay koofurta Mudug.

Howlgalka waxaa horkacayay guddoomiye ku xigeenada Xarardheere iyo Ceelhuur iyo masuuliyiin kale waxaana gebi ahaanba Caad iyo nawaaxigeeda iskaga cararay maleyshiyaadkii Khawaarijta ee muddaba ku dhibaateynayay shacabka.

La soco faah faahino dheeraad ah.

Jaamacadda Carabta oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan heshiis beenaadkii Itoobiya Somaliland

Qaahira: Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdie ayaa cambaareeyay heshiisyada is-afgaradka ah ee ku xad-gudba Qaranimada Soomaaliya, loogana faa’iidaysanayo duruufaha ka jira dalka iyo is-faham-waaga ka taagan wadahadallada ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Afhayeenka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u garab taagan tahay go’aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo uu ku tilmaamay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Somaliland mid aan waxba ka jirin, isla markaana xad-gudub cad ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenku waxa uu ka digay saamaynta ay tallabadani ku yeelan karto fidinta afkaarta argagaxisada ee xagjirka ah, xilli dawladda Soomaaliya ay dedaalo badan ugu jirto sidii ay uga hortagi lahayd.

Baarlamanka Carabta oo ka soo horjeestay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliyeed

Qaahira: Baarlamaanka Carabta ayaa si buuxda u diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada, Madaxbanaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadi’da deris wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo in aanan la faragelin arrimahooda gudaha ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida gobolka.

Baarlamaanka Carabta ayaa carabka ku adkeeyay in amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xurmeynta qaranimadeeda ay tahay qeyb ka mid ah amniga qaranka Carabta, iyagoo carabka ku adkeeyay in Baarlamaanka Carabta ay ku garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tilaabooyinka sharciyeed ee ay ku ilaalineyso xasiloonideeda iyo qaranimadeeda.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo si buuxda u taageertay mowqifka DF Soomaaliya

Qaahiro:- Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa maanta ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Jamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya”, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan kheyraadkooda.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saaraan dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaas oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika, siina xoojinaya xiisadda u dhaxaysa dalalka gobolka.

Masar ayaa adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed iyo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah.

Soomaaliya oo ka hortimid qoraalka soobaxay xafiiska xoghayaha guud ee urur gobaleedka IGAD

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay hadalkii maanta kasoo yeeray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD, iyadoo u aragta mid u xaglinaya dowladda Ethiopia.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri” Waxaan ugu baaqaynaa Xoghayaha Fulinta IGAD inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo hadalkaas, uuna ka qaado talaabada ku habboon.