Baarlamanka Carabta oo ka soo horjeestay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliyeed

Qaahira: Baarlamaanka Carabta ayaa si buuxda u diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada, Madaxbanaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadi’da deris wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo in aanan la faragelin arrimahooda gudaha ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida gobolka.

Baarlamaanka Carabta ayaa carabka ku adkeeyay in amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xurmeynta qaranimadeeda ay tahay qeyb ka mid ah amniga qaranka Carabta, iyagoo carabka ku adkeeyay in Baarlamaanka Carabta ay ku garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tilaabooyinka sharciyeed ee ay ku ilaalineyso xasiloonideeda iyo qaranimadeeda.