Madaxweynaha JFS iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Midoowga Yurub oo ka wadahadlay arrimaha Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay  khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell.

Kulankaasi dhinaca khadka taleefanka ah waxaa labada dhinac ay diiradda ku saareen damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, ilaalinta madaxbannaanida dalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dal kasta uu u dhowro xeerarka caalamiga ah ee qeexaya xuduudaha dhulalka mberrigga iyo badaha.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey madaxda midowga Yurub  mowqifka adag ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku dadaalaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Dowladda FS oo dalbatay shir deg deg ah oo ay yeeshaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Carabta.

Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay Ururka Jaamacadda Carabta u gudbisay codsi ku aadan in la qabto shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta.

Safiirka ayaa xusay in shirkaasi kiiga hadkayo cawaaqibka ka dhalan kara in si sharci-darro ah loo dhammeeyo heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Maamul Goboleedka Somaliland.

Ururka Jaamacadda ayaa looga baahan yahay in Arrintaan laga qaato mawqif midaysan oo Carbeed lagana jawaabo xadgudubka cad ee ay Itoobiya ku hayso madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xuska sanadguurada 60-aad ee Wakaaladda Wararka SONNA

Wakaaladaha wararka waa hey’ado u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.

Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waa kuwo xirfaf ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil badan oo ku xiran kanaaladooda sida wargeysyada,Idaacadaha iyo taleefidhinada. waxaa kamid ah wakaaladahaasi Associated Press (AP), AFP , Reuters, United Press iyo Tass.

Waakaaladaha wararka ee dowliga ah badanaa waxaa gacanta ku haya xukuumadaha ,waxayna ku hadlaan afka dowladda, iyagoo gudbiya wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha.

Dhammaan wakaaladaha waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo kasban lahaa kalsoonida dadka iyo ka  fogaanta wararka beenta ah ee dhaawici kara Xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbaya macaamiisha.

Wakaaladaha wararka waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan masuuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Haddaba,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 60-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka SONNA.

Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana Tiirka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .

Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-dii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood.

Wakaaladda Wararka SONNA waa hey’ad ka mid ah warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada.

Marka loo eego Howsha Wakaaladda SONNA  waa warbaahin shaqeysa 24-saac oo xiriir ah, waxayna   laamo ama xafiisyo ku leedahay gudaha dalka iyo dibadda sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

SONNA ayaa ah  isha wararka ,waxeyna ku shaqeysaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.

Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo  hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.

Dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay wakaalada wararka waxa ay ku tallaabsatay guullo wax ku ool ah,kadib markii  madaxda wakaaladda ay heshiisyo cusub la soo galeen wakaaladaha wararka ee dalalka Shiinaha,Turkiga, Raashiya,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Bulgariya iyo kuwo kale.

Adeegga wakaaladda ee xilligaan waxaa lagu saleeyay habka casriga ah ee ay u howlgalaan wakaaladaha wararka caalamka,gaar ahaan nidaamka  shaqo ee warbaahinta diijitaalka ah oo si dhaqso ah u gaari karta daafaha dunida.

Qorshaha ku talagal ee mustaqbalka waa in wakaaladda wararka SONNA ay dib u soo celiso dhammaan xiriiradii ay la laheyd dalalka dunida.

Hadafka SONNA ee xilligaan iyo mustaqbalka fog waa:-

1-in hawsha SONNA la  gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.

2 –la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee  caalamka.

3 –diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.

4 – kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.

5 – in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,

6 –in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay’adaha wararka ee  goboladaa iyo caalamka.

7–  tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.

8 – in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u abuuraan jawi wanaagsan oo lagu shaqeyn karo.

Gabagabadii wasiirka wasaaradda Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA oo u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 60-aad ee ka soo  wareegatay aasaaska wakaaladda SONNA.

Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay  u rajeeyeen maamulka iyo shaqaalaha SONNA in sanadkaan kisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

 

SONNA

Dowladda Turkiga oo walaac ka muujisay damac dowladda Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiska is-afgaradka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi, kaas oo ku xadgudbaya midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Öncü Keçeli oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ee hadda loo yaqaan X ayaa yiri, “Waxa aanu ka walaacsanahay Heshiiskii Is-afgaradka ee Iskaashiga ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa January 1, 2024, iyada oo aan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliya.”

Sidoo kale qoraalka uu faafiyey afhayeenka ayuu ku sii daray, “Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in ballan-qaadkani uu yahay mid ku jaan go’an sida shuruucda caalamiga ah.”

 

“Hadda iyo jeer, waxaan rabnaa in muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wada xaajood toos ah iyo Soomaali dhexdeeda, waxaanan ku celinaynaa inaan taageersanahay hindisayaasha jihadaas,” ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Suudaan oo taageero loogu muujiyey DFS

Sudan Flag Against City Blurred Background At Sunrise Backlight

Khartoum:- War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Suudaan ayaa looga hadlay Xadgudubka dowladda Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu sheegay in muhiim tahay in loo hoggaansamo  ilaalinta xeerarka caalamiga lana ixtiraamo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Waa laga maarmaan in loohoggaansamo nidaamka caalamiga ah ee hadda jira, Axdiga Qaramada Midoobay, nidaamka aasaaska ee Midowga Afrika, iyo qawaaniintacaalamiga ah, iyadoo la ixtiraamayo madaxbannaanida, iyo xudduudaha dawladaha caalamku aqoonsan yahay, tani ayaa ah saldhigga nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Suudaan.

Suudaan ayaa sheegatay in iskaashiga u dhaxeeya dowladaha lagu dhiso aaska-aaska shuruucda caalamiga oo la raaco nidaamka sharciga ee saxda ah, taasoo meesha ka saareyso la xiriirka kuwa aan sharciga u laheyn in lala galo heshiis.

“Waxaan ku baaqeynqa in xal loo helo dhibaatadan si kor loogu qaado ka go’naanta qawaaniinta caalamiga ah iyo ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya oo xubin ka ah Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta. Dawladaha Carabta iyo IGAD,” ayaa kagu soo gabagabeeyey warka ka soo baxay dowladda Suudaan.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka Guddiga Joogtada ah waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo dhammaan xubanaha guddiga, kulanka waxaa looga hadlay ajandeynta kulamada guud ee kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo  kale xubnaha guddiga ayaa ka dooday heshiisyada caalamiga ah ee Dowladda ay gasho iyo sii-waddida hindise sharciyeedyada maray akhriimaha kala duwan.

Dibadbax looga soo horjeedo xadgudubka Itoobiya oo lagu qabtay Warsheekh

Shacabka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa isugu so baxay banaabax ay kaga so horjeedaan damaca Madaxda Itoobiya ku dooneyso qeyb kamid ah Badeena Soomaaliya.

Banaabaxan oo lagu taageerayey go’aanka Dowlada Soomaaliyeed ka qaadatay xadgudubka Itoobiya ayaa waxaa kaso qeybgalay Maamulka Degmada Warsheikh Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Hirshabelle.

Shacabka oo socdaal kuso maray qeyba kamid ah wadooyinka Degmada warsheekh ayaa sheegay in Diyaar u yihiin difaaca Dalka ayna taageersanyihiin Dowlada Soomaaliya go’aanka kaso baxay.

             

Xildhibaanada gobolka waqooyi Bari ee Kenya oo cambaareeyay xadgudubka Itoobiya ee gudah Soomaaliya

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa cambaareeyay xadgudubka Itoobiya kula kacday madax banaanida dhuleed ee JFS Isla markaana waxaa ay ugu baaqeen QM, Midowga Afrika iyo IGAD in talaabo degdeg ah laga qaado Ethiopia haddii aysan ka laaban arrinkaa ay ku dhaqaaday.

Xildhibaanada Soomaalida ah ee Baarlamaanka Kenya qeybta ka ah ayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto ugu baaqay inuu si degdeg ah isugu yeero madaxda IGAD si arrintaan looga hadlo.

   

Shirka Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka,xag amni, siyaasadeed iyo xad-gudubka Itoobiya

Shirka Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, xag amni, siyaasadeed iyo dhaqaaleba – gaar ahaan xadgudubka dowladda Itoobiya ee is afgarad ku sheeggii Bishan Itoobiya  iyo maamulka Somaliland (ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya)

Golaha wasiirada ayaa bogaadiyay sida geesinimada leh ee ay shacabka Soomaaliyeed uga dhiidhiyeen dal iyo dibadd meelkasta oo ay joogaan oo ay uga soo horjeesteen damaca gurracan ee dowladda Itoobiya oo ay ku muujiyeen shuucurtooda wadaninimo,golaha ayaa soo dhawayay go’aamada iyo mowqifyada adag ee ay ka istaageen dowaladda caalamka,ururadda caalamigah gardarada qaawan ee Itoobiya ay ku soo qaaday madax-bannaanida,gobonimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale ayaa sharraxay go’aamadii muhiimka ahaa ee ka soo baxay shirka.

Ururka iskaashiga Islaamka oo walaac ka muujiyay xad-gudubka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya

Warqoraal ah oo ka soo baxay  Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si cad loogu diiday heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhex-maray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland,kaa soo ay ku tilmaameen  xadgudub ka dhan ah  madax bannaanida iyo midnimada Dhuleed ee dowladda ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Xuseen Ibraahim Daaha ayaa sheegay in si cad ay uga soo horjeedaan xadgudubka  dowladda Itoobiya ee  ka dhanka ah madax-bannaanida dhuleed Soomaaliya.

‘’Waxaa naga go’an ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dawladaha xubinta ka ah OIC  si waafaqsan Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sharciga caalamiga ah,ka dib Heshiiska Isfahamka ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland,waana in la ilaaliyo  lana ixtiraamo madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed,si loo helo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka ah”.waxaa sidaas lagu yirii qoraalka ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka.