Geesi Cabdiraxmaan Muxudiin Dhaloweyn ‘Geesi ku dayo mudan’ (WARBIXIN)

Inta aannu gudagalin xogta warbixinta aann marka hore dulmarno taariikhda iyo soogaalka Degmada Ceeldheer, Madaxdii gumaystihii Talyaaniga ayaa ku booriyay in dadkii ku noolaa Mareeg ay ka guuraan kuwaas oo marka laga reebo Talyaaniga isugu jiray Hindi, Carab iyo beelo kale oo soomaaliyeed, Hindidii iyo Carabtii ayaa u hayaameen magaaloyinka Cadale, Xamar iyo Baraawe halka reer Mareegii asalka ahaana ay u soo baqooleen dhinaca deegaanka Ceeldheer oo xiligaas ahaa meel ay ku yaaleen Ceelal oo kaliya, Sida ay sheegayaan dadka yaqaan taariikhda degmada Ceel-Dheer.

Magaalada Mareeg oo aheyd saldhigii sedexaad ee maamulkii Talyaaniga dalka Soomaaliya ku lahaa ayaa aheyd magaalo leh daaro qadiimi ah cimrigoodana lagu qiyaasay ilaa afar boqol oo sanadood & kuwo talyaanigu dhisay kuwaas oo intooda badan weli ka taagan halkaas, waloow qaarkood aad u gaboobeen haddana waxaa weli bed qaba sida, Gurigii Shadoor warsame cali oo aad Caan u aga ahaa Magaalada Mareeg iyo Masaajidkii Sh. Da’ud Culusoow, Saldhigii booliska, Xabsigi, Musawac, Xafiisyo, iyo guryo fara badan, Magaaladan oo ah mid ku dheresan xeebta Mareeg ayaa weli waxaa ku dhaqan dad u badan kaluumaysato & xoolo dhaqatada asalka ah.

1959kii waxaa sii xoogeystay dadaalkii lagu doonayo in Ceel-Dheer laga dhigo Degmo, Cali Gedi Shadoor & wax garad kale, dadaalkaasi oo markii dambe lagu guuleystay ayaa waxyaabihii suurto galiyay waxa ka mid ahaa iyada oo dadka ku dhaqan halkaasi ay tiro ahaan u qalmayeen in ay helaan maamul degmo iyo weliba mashaariic ay ka mid ahaayeen Saldhig Boolis, Guriga Gudoomiyaha, Xabsiga, Cisbitaalka iyo xarumo kale oo uu maalgeliy ganacsade weyn AUN Cali Gedi Shadoor, 1960-dii waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay degmanimada Degmada Ceeldheer, taasi oo in muddo ah ay wadeen waxgaradka degmada oo ay hogaaminayeen Allaha u raxmadee, Geedi Shadoor & rag kale.

Madaxdii Soomaaliyeed ee booqashada ku tagtay Degmada Ceel-Dheer waxaa kale oo ka mid ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo xiligaa isna Ra’iisul Wasaare ahaa, Sidoo kalane waxaa labo jeer booqasho ku tagay Madaweynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ee mudada 21ksano ka talinayay dalka Soomaaliya, SIYAASADDA. sanadka 1954 dii ka hor waxaa dalka Soomaaliya ka jiray maamulkii Talyaaniga ahaa ee A.F.I.S ( Adminstrizione Fuduciario Italiano Della Somalo) Maamulkaas ajnabiga ah waxaa la shaqayn jiray Niman Soomaaliyeed oo loo yaqiin (Consiglio Teretoriale) degmo kastana waxay ku lahaan jirtay wakiil waxaana Ceeldheer wakiil uga ahaa Md Cusmaan Xaaji Maxamed Afrax. Xilgaas oo siyaasiyiinta Soomaalyeed u kala qabsanaayeen labo xisbi oo waaweyn kuwaas oo kala ahaa Lego oo doonaysay in dalku helo madaxbanaani & Pro Italian oo u ololeyn jirtay in uu sii jiro maamulka Talyaaniga ahaa ayaa waxaa xusid mudan in dhamaan siyaasiyiinta Ceeldheer ay ahaayeen Lego.

Haatan aan gudagalo xogta warbixinta, Geesigii khaarijiyay Bashiir Ciidle oo ahaa Ninkii har iyo habeen laga joogi waayay deegannada bariga Galgaduud iyo koofurta Gobolka Mudug ee dhiigga Muslimka baneeystay, qof kale maahan ee Mujaahid Cabdiraxman Muxudiin Dhalaoweyn, waxa uu sameeyay taariikh aan horay uga dhicin dalka intiisa kale, waxa uuna  90-KM masaafo dhan oo ka soo bilaabatay Deegaanka Hulcaduur oo Degmada Ceeldheer ka tirsan ilaa Deegaanka Galdhabo oo isna ka tirsan Degmada Xarardheere hoos takta ee Gobolka Mudug ayuu kaligiis inta baxay ku soo toogtay horjoogihii ka tiranaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shaab, islamarkaana u qaabilsanaa dhibaateynta dadka Deegaankaasi, bal eeg Wiikaasi geesinimadiisa markuu dilay ayuu hadana ka soo qaateen, kana soo furtay qoray noociisu yahay Ak47 ah iyo Qasnadishiisiiba.

Dadka deegaanka oo Wakaaladda Wararka ee SONNA la hadashay ayaa sheegay in Dhagarqabihii Bashiir Ciidle uu dilku uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo tore-boore oo u dhow Tuulada Galdgabo oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana waqti Casir liiq ah oo markaasi meeshaasi lagu aasay Allaaha u naxariistee Marxuumad Axado Xasan dilix ayuu Geesi Cadiraxmaan Muxudiin Dhaloweyn oo la soo baxay Bistoolad Jeegada uga dhuftay Dhaqarqabe Horjooge Bashiir Ciidle, kadib dilka ayaa ka soo qaatay Qorigiisii oo ahaa nooca loo yaqaan AK47 ah iyo Qasanadihiisiiba, wuxuuna ku soo laabtay Degmada Ceeldheer isagoo nabad qaba, waxay Dadka Deegaanka ayaa Wakaaladda Wararaka ee SONNA u sheegay in Kooxda Khawaarijta ah ee uu ka tirsanaa ay Maalin dambe qaateen Meydka Bashiir Ciidle, waxaana lagu aasay meel u dhaxeysa Deegaannada dhalwo iyo jowle oo labaduba ka tirsan Degmada Xarardheere.

Degmada Ceeldheer ayaa Geesi Cabdiraxmaan Muxudiin si mug iyo miisaan leh waxaa ugu soo dhaweeyay General Cali Caraaye Caddow ‘Gacma dulle’ iyo Saraakiil ka tirsan kuwa deegaanka iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. “Wallaahi Walalkeeyow waxaad mudan tahay taallo qaran iyo billad geesi haddad inta tagtay deegaanka Galdhabo ku so cibadeysaty Khawaarijkii ugu weynaa ee shacabka deegaannadaasi dhibatada ku hayay, Ummada Soomaaliyeed duco iyo darajo Rabbi ha kugu galado, Geesi qaran taariikhda ayaa ku xusi doonta”, sidaasina waxaa yiri Wiil dhallinyaro ah oo degan Degmada Ceeldheer, kaasi oo u adeysan waaye waxa uu ku hayay Dhagarqabe Bashiir Ciidle.

Dhaqarqabe Bashiir Ciidle iyo Khawaarij kale waxa ay laba todobaad ka hor ku dileen deegaanka Howdleey oo ka tirsan Degmada Ceeldheer 4 Wiil oo uu ka mid ahaa mid ay dhagarqabaha Walaalo ahaayeen, wuxuu ahaa mid ku dhibaateeya magaca Kooxda Khawaarijta ah.

Shirib:

~Bahalkii bulsho qaadahaay

Waxaa bireeyay Wiil barbaar

~Beesheyda joogto boos mareeg

Baashaalya dhaclo woow bilaash.

Dhinaca kale Haweenka ka soo jeeda Degmooyin Ceeldheer iyo Xarardheere ayaa deeq isugu jirta Saad & Xoolo nool ku Wareejiyay Ciidamada Qaranka & kuwa dib u xoreeynta Deeganka ee ku sugan Degmada Ceeldheer, iyagoo ugu talagalay inay u muujiyaan Ciidamadaasi is-barbar istaag iyo dhiirigalin, islamrkaana ay diyaar ugu yihiin wax walba oo lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Sidoo kale Xildhibaan Yaasin Fareey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fderaalka Soomaaliya ayaa Deeq Xool nool ah gaarsiiyay Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Xaq u dirirka Deegaanka ee ku sugan Dagmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud, isagoo ugu talagalay in uu ku barbar istaago dagalka xaqa ah ee ay kula jiraan Kooxda Khawaarijta ah, waxaana dhammaan deeqahaasi guddoomay Gen, Cali caraaye Caddow, mahacelin ballaaranna u jeediyay Haweenkii iy mas’uulkii soo dhiibay deeqdaan wax ku oolka ah, isagoo xusay inay wax ka tari doonto moraalka ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan: Dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo xukunna kuma doorto

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sheegay in marna uusan dhul Soomaaliyeed ka gor-gortameynin, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qof kasta ay waajib ku tahay ilaalinta dhulka Soomaaliyeed.

“Xasan Sheekh Maxamuudaa la iyiraahdaa, waana la iyaaqaa dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo, xukun kuma doorto, waxaan ku doorsanayo majiraan, kuwa naga dambeeyo Alle haka haayo, oo talada Alle noogu ma dhiibo kuwa masaalix adduunyo wax lamid ah ku badalanaya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay aqoonsiga Muuse Biixi sheegay in ay Itoobiya siineyso ayuu sheegay in taasi waxba ka jirin oo aysan waxba u tarin, loona sheegay mala awaal waxba ka jirin.

“Haday idin dhahdo waan idin aqoonsanay waxba idiin ma taro, dhulka yuusan idin dhaafin, oo sabab ha u noqonina taariikh xun ha ku galinina, dhulkan waa dhulkii ay awoowyaashiina ay diideen in naag umul ku dhasha oo cunug ajanabi ah ku dhasho uu wax ku sheegto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay xiligii gumeysiga sidan oo kale damaca Itoobiya diiday iyadoo tix galineyso heshiiskii kala dhaxeeyay Odayaasha Dhaqanka gobollada Waqooyi, isagoo soo hadal qaaday dhulka dowladda Itoobiya heysto ee Soomaali Galbeed.

“Kuwa Soomaali oo aan talo fiicneyn oo barigaas talo kulahaa dhulka baxay inuu baxay, Soomaali talo xumaatay oo masaalix ka dhax arkay cadowga ayaa dhulkaas bixisay, waana aragnay meesha maanta jooga inaan qorniga 21-aad mid kale bixino sax ma ahan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxgaradka dagan gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inaysan marna ogalaan damaca liita ee dowladda Itoobiya ee ku aadan in dhul Soomaaliyeed la siiyo.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Itoobiya u sheegay in masaalixda lagu heshiin karo aysan ku jirin ama bad, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada-jeesto damacaas liita ee dowladda Itoobiya.

“Masaalixda aan ku heshiineyna dhulka ka mid ma ahan, oo bad ka mid ma ahan, oo dal iyo dad ka mid ma ahan”. ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Odayaasha Dhaqanka reer Saylac oo si cad uga hor yimid damaca itoobiya ee badda soomaaliya

-Odayaasha Dhaqanka Gobalada Waqooyi ayaa si adag uga horyimid damaca itoobiya ee badda soomaaliya.

Odayaasha Dhaqanka reer Saylac oo la hadlay warabahinta  ayaa si adag uga hadlay in Muuse Biixi usan bixin karin dhulkooda,ayana tahay arrin isaga u gaar ah oo aysan la qabin waxgaradka iyo Shacbka ku dhaqan degaannada Gobolada Waqooyi.

Waxa ay sheegeen in badda aysan ahay wax cid walba si fudud isaga bixin karto,ayna tahay dhaxalka jiilka dambe lana aqabli karin damaca gurracan ee itoobiya.

Odayaasha Dhaqanka ayaa sidoo kale dhammaan ummadda soomaliyeed meel walba ay joogaan ugu baaqay in ay u midoobaan, difaaca qarannimada Soomaaliya,oo si cad ugu soo duushay itoobiya.

Tan iyo markii koowda bishaan dalka itoobiya ay kuwada galee heshiis is afgarad benaad ee badda soomaaliya waxaa isa soo tarayay sida soomaali meel walba ay joogto ugu hor timid damaca gurraca ee itoobiyay,iyadoo dibadbaxyo waaweyn oo arrintaa looga soo horjeedo ay ka dhaceen gudaha dalka iyo dibadda.

Madaxweynaha JFS oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbadii Jimcaha kaga hadlay xad-gudubka Itoobiya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha ee kaga hadlay xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u midoobaan dhowrista sharafka iyo difaaca madax-bannaanida iyo  qaranimada dalka Soomaaliyeed.

“Waxan umahad celinayaa shacabka Soomaaliyeed siday uga dhiidhiyeen meel walba oo ay joogaan xadgudubka Itoobiya, waxaan rabaa in aan kaliyah caddeeyo in dadka Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya degan aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay in aysan qabin dhulka Soomaaliya in qeybo ka mid ah la bixiyo, sheekada lagu saleeyay is afgaradka waa dhul la bixiyay”.

Madaxweynaha ayaa ku nuxnuxsaday in u yahay been abuur wax lagu tilmaamay in la kireyay badda balse ay tahay heshiis lagu bixiyay dhulka oo Itoobiya loogu gacan galinayay,waxa uu intaas ku daray in aan dhul la kirayn lagana heshiin madaxweynuhu.

20KM oo Badda cas ka bilaabtah oo xudud beenadka Itoobiya gasha waa la kireyay meel ay macquul ka tahay ma jirto,dadka waqooyiga Soomaaliya degan raali kama ahaa oo waa ay nala soo hadlaan masuuliyiintooda,shacabkana waan aragnay oo waa kuwaa taagan oo diidan,gayiga dhulka Soomaaliyeed dadkii naga horeyayna ma bixin anaguna ma bixin kuwaa naga danbeyana ma bixin  karno, cid xaq uleh oo bixin karta 1Meter oo dhulka Soomaaliyeed ah ma jirto,in nala hadalo ayaaba danbi ah,waxa sidaasi yirii madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dowladda Itoobiya isma aanan dooran in aan daris ahaano,waana la garanaya tariikhdii na soo dhexmartay Itoobiya,intaan inagoo ka taag yar oo istacmaar na haysto oo aanan dowlad ahayn ayeey dalkaan qaadan weyday oo ay marar badan isku dayday mana ahaa midkii ugu horeyay isku daygaan oo u damaceedu ahaa in ay Banaadir hawo ka gashay,ciidankeediina lagu jabiyay Balcad marka ay soo gaareen oo dib loogu celiyay meeshay ka yimadeen intaasna waxay u maraysay sidii ay u heli lahayd Badd.

Xage lagu arkay diyaarad iyo gacansi dhul lagu badalanayo imasa la arka diyaarado caalamiyah oo qasaaray balse dhul laguma qaasaaro mana guuro,dhulku waa dhaxal tooyo Awoowayaasheen laga soo gaaray,sida aan u dhaxalanay ayaa nalooga sii dhaxalaya jiilba jiilka ka danbeya uga dhaxali doonaa,walaalayaal dadka indheer garadka ah ee waqooyiga Soomaaliya degan dhul Soomaali ay leedahay laguma badalan karo diyaarada iyo isgaarsiinta ay Itoobiyo iyagoo la isku darayna laguma badali karo.”sidaas waxa yirii Xasan Sheekh.

Safiiradda Jaamacadda Carabta u fadhiya Kenya oo shir ka yeeashay damaca Itoobya ee badda Soomaaliya

Nairobi:- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qeyb galay shir aan caadi aheyn kaas oo ay iskugu yimideen Safiiradda Wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta u fadhiya Kenya.

Kulanka ayaa looga hadlay damaca gurracan ee Ethiopia ku dooneyso badda Soomaaliya isla markaana waxaa si buuxda loogu taageeray Go’aanka dowladda Soomaaliyeed ay ka qaadatay heshiis ku sheeggii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

   

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u hambalyeeyay shaqaalaha iyo maamulka Wakaaladda SONNA oo 60-sano jirsatay

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ee XFS ayaa uga hambalyeeyay howlwadeenada shaqaalaha iyo maamulka Wakaaladda SONNA, Sanad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay 5-ta bisha Janaayo ee sanadkii 1964-kii.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta hadal ku aadan dabaaldagga Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA jeediyay ayaa ka hadlay Waxqabadka Wakaaladda ee sanadkan kuwaasi oo laga xusi karo sida ay kaalinteeda uga qaadatay gudbinta wararka iyo xaqaa’iqa ku saabsan:

1- La dagaalanka Khawaariijta
2- Gardarada heshiish beenaadka sharciga ka baxsan ee Itoobiya
3- Deynta cafinta Soomaaliya
4- Cunaqabateynta hubka laga qaaday Soomaaliya.
5- Iyo Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Wasiir Daa’uud ayaa ugu dambeyntii u hambalyeeyay Waaxda Wakaaladda SONNA maamulka iyo Shaqaalaheeda isagoo u rajeeyay guul.

Madaxda Warfaafinta XFS oo u hambalyeeyay shaqaalaha Wakaaladda SONNA oo u dabbaal-degay xuska 60-aad

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Wakaaladda Warareka Soomaaliyeed ee SONNA oo maanta u dabbaaldegay xuska munaasabadda sanadguurada 60-aad.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane C/Raxmaan Al Caddaala , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale iyo Agaasimaha Wakaaladda SONNa Mukhtaar Oranjo oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ku ammaanay shaqaalaha Wakaaladda SONNA dadaalka ay ugu jiraan dib u soo nooleynta hadafka wakaaladda iyo shaqada wanaagsan ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed.

Madaxdaasi waa ay ka warbixiyeen waxqabadka wakaaladda iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay sanadkaan ku tallaabsaatay SONNA,iyagoo ugu baaqay shaqaalaha in ay halkaasi ka sii wadaan dadaalka.

Gabagabadii waxa ay u rajeeyeen shaqaalaha Wakaaladda Wararka SONNA in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Sidoo kale waxaa dhambaal hambalyo ah shaqaalaha SONNA u diray Agaasimaha Telefishinka Qaranka Maxamed Kaafi iyo Guddoomiyaha Kuliyadda Saxaafadda Mudane Dhicisoow.

Howlgal lagu laayey kooxo khawaariij ah oo ka dhacay deegaanka Samatar Madow ee Galmudug

Howlgal qorsheysan oo lagu laayay maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa goor dhow ka dhacay deegaanka Samatar Madow oo u dhaxeeya magaalooyinka Caad iyo Camaara.

Goor dhow la soco faah-faahin ku saabsan howlgalkaan iyo Khasaaraha kala duwan ee gaaray  Khawaarijta.

Ingiriiska oo sheegay in ay ixtiraam u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa dib u xaqiijisay  in ay ixtiraam buuxa u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

,“Ingiriisku waxa uu ka walaacsan yahay xiisadaha sii kordheysa ee Geeska Afrika,sidaa daraadeed,Waxa ay ku baaqeen in la is xakameeyo oo la wada hadlo,isla markaana si nabad ah lagu dhameeyo xiisadaha jira”ayuu yiri safiirku.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in ay dib u cusboonaysiiyeen taageerada ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday heshiis beenaad ay wada gaareen maamulka Soomaaliland iyo Itoobiya,waxayna ku tilmaantay inuu yahay mid halis ku ah deris wanaaga.

Isniintii, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku kala saxiixday waxa lagu tilmaamay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan in Itoobiya ay marin u hesho badda cas.