Wasiirka Warfaafinta XFS oo u hambalyeeyay shaqaalaha iyo maamulka Wakaaladda SONNA oo 60-sano jirsatay

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ee XFS ayaa uga hambalyeeyay howlwadeenada shaqaalaha iyo maamulka Wakaaladda SONNA, Sanad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay 5-ta bisha Janaayo ee sanadkii 1964-kii.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta hadal ku aadan dabaaldagga Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA jeediyay ayaa ka hadlay Waxqabadka Wakaaladda ee sanadkan kuwaasi oo laga xusi karo sida ay kaalinteeda uga qaadatay gudbinta wararka iyo xaqaa’iqa ku saabsan:

1- La dagaalanka Khawaariijta
2- Gardarada heshiish beenaadka sharciga ka baxsan ee Itoobiya
3- Deynta cafinta Soomaaliya
4- Cunaqabateynta hubka laga qaaday Soomaaliya.
5- Iyo Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Wasiir Daa’uud ayaa ugu dambeyntii u hambalyeeyay Waaxda Wakaaladda SONNA maamulka iyo Shaqaalaheeda isagoo u rajeeyay guul.