Safiiradda Jaamacadda Carabta u fadhiya Kenya oo shir ka yeeashay damaca Itoobya ee badda Soomaaliya

Nairobi:- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qeyb galay shir aan caadi aheyn kaas oo ay iskugu yimideen Safiiradda Wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta u fadhiya Kenya.

Kulanka ayaa looga hadlay damaca gurracan ee Ethiopia ku dooneyso badda Soomaaliya isla markaana waxaa si buuxda loogu taageeray Go’aanka dowladda Soomaaliyeed ay ka qaadatay heshiis ku sheeggii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland.