Banaan-baxyo balaaran oo ka socda magaalada Boorame ee gobolka Awdal

Shacabka magaalada Boorame ee gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa maanta dhigay bannaabax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan damaca Ethiopia ee qeyb kamid ah Badda JFS

Banaan-baxayaasha oo Bartamaha magaalada isugu yimid ayaa ku dhawaaqaya baddeenna iib mahan iyo erayo ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliland, iyagoo tilmaamay in heshiis beenaadkaas uusan marna suuragal ka aheyn in laga fuliyo dhulka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Banaan-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatey is-afgaradkii dhaxmaray 1-dii bishan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdi, iyagoo Madaxweynaha ku bogaadiyey dadaallada Diblomaasiyadeed ee uu ka sameeyay arintaan, taas oo keentay in dowlado badan ay Soomaaliya ku garab istaagaan.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda banaan-baxyo looga soo horjeedo damaca liita ee dowladda uu hoggaamiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyagoo sheegay in aysan ogolaan doonin taako kamid ah dalka, waxayna dowladda ugu baaqeen inay raadiso dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya ku maqan.

Xisbiyayda mucaaradka maamulka Soomaaliland ayaa Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu doorasho qabto loogana baahneyn xiligan wax kale, iyadoo dhanka kale Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada Soomaaliland oo shalay ku shiray magaalada Hargeysa ku baaqeen in deg deg doorashada maamulkaas loo qabto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ku dilay 26 dhagar qabe

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Duqeyn ku dilay 26 dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan kuwaas oo uu ku jiro horjoogihii kooxda watay.

Howlgalkaan oo ka dhacay Deegaanka Jeex-jeexa ee Koofurta Gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday kooxdaan xalay xili ay isku dayeen in ay ka soo baxaan godadka ay maalintii ku dhuuntaan.

Dagaal xoog leh oo shalay ka dhacay deegaankaas  ayaa sidoo kale Khawaarijta looga dilay in ka badan 50 dhagar qabe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga burinta is afgaradka Itoobiya iyo maamulka Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyadeysay Geerida abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor

Wasaaradda wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyadeysay geerida abaanduulihii guutada 18-aad ee gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo maanta ku shahiiday dagaal ka dhacay gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa qoraal ka soo baxay ku yiri “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa inuu Shahiidey maanta walaalkeena Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo ahaa Abaanduulihii guutada 18aad ee GorGor ee CXDS. waxaan u tacsiyadeyneynaa Ehelkiisa, CXDS iyo Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan shahiidka Ilaahey SW uga barineynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo.”

AUN Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal ay ciidamadda dowladda oo kaashanaya ciidanka daraawiishta Galmudug ay kaga sifeynayeen khawaarijta deegaano yar oo ay ku dhuumaaleysanayaan gobolka Mudug. Waxaana Dagaalkaan oo uu hoggaaminaayey Taliye suulnuuge maalmihii dambe lagu xorreeyay deegaano badan oo ay shacaka dhibaateynayeen cadawga khawaarijta.

AUN Taliye suulnuuge waxaa uu ku suntanaa geesinnimo, waxaana lagu xusuusan doonaa sidii uu naftiisa ugu soo huray difaaca dalka iyo shacaka ee ay khawaarijtu dhibaatada ku hayeen. Waxaana uu u taagna inuu ka xorreynta khawaarijta ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo golaha shacabka horgeeyay Hindise sharciyeedka Ilaalinta Iyo Taakulaynta Barakacayaasha

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya XFS mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta horgeeyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya  Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Iyo Taakulaynta Barakacayaasha.

Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa ugu horreyn u mahadceliyay guddoonka iyo Xildhibaannada Gola Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale akhriyay Cutubyada iyo Qodobada uu ka kooban yahay Hinside Sharciyeedka Ilaalinta Iyo Taakulaynta Barakacayaasha.

Hindise Sharcciyeedkan oo lagu magacaabo “Hindise-Sharciyeedka Sharciga Ilaalinta iyo taakulaynta Barakacayaasha ee 2023”, Wuxuu ka kooban yahay 12 Cutub iyo 30 qodob oo ku qoran 30 bog, waxaa uuna mudane Fiqi oo ka hadlayay ahmiyaddiisa ka yiri “ in Muwaadiniintaas Barakacayaasha ah;

(A). Laga ilaaliyo in ay la kumaan wax xad gudub ah ee kasoo horjeeda Xuquuqdooda asaasiga ah ee ku xusan Cutubka 2aad ee Dastuurka kmg.

(B). Laga badbaadiyo falalka danbi ay u geeysanayaa kooxaha wax ma garadka ah oo ka tirsan bulshada.

(C). Loo helo barnaamijyo iyo mashaariic lagu taakuleeyo oo noloshooda lagu horumariyo isla markaana loogu helo xal waara, sida in dib loogu nooleeyo deegaannadoodii hore ama dib u dejin loogu sameeyo goobaha ay u barakeceen iyo wixii kaleba.

(D). Iyo in Iskaashi caalami ah laga yeesho guud ahaan sidii barakacayaasha loogu heli lahaa mashaariic iyo barnaamijyo loogu sameeynaayo xal waara sida: dib u dejin, dib u deegaamayn iwm. Iyo

(E). Waxaa muhiim ah in laga hortago barakaca iyo sababaha keeni kara oo uu sharcigu si cad u tilmaamayo

Ugu Dambayn, Wasiir Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Xildhibaannnada ka codsaday iyaga oo tixgelinaya duruufaha jira oo ay ka mid yihiin; baahida wayn ee Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha u qabto Sharci ay ku maamusho Barakacayaasha Dalka Soomaaliya, musiibooyinka, in dad la eg 3.8 Milyan oo qof ay maanta guryahooda ka barakceen, gacansiiinta loola diyaar yahay, kuwa soo gurya noqonaya iyo arrmo kale in ay ka gutaan waajibaadka dastuuriga ah oo ay ansixiyaan.

Hindise Sharciyeedkan ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa waxaa ay golaha wasiirrada ee XFS ansixiyeen 27 Oct 2023.

                   

Guddoomiyha Golaha Shacabka oo guddoomiyay kulanka 8-aad ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay kalfdhiga 4-aad kulankiisa 8-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed, akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha, qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee xisaab-xirka miisaaniyad sannadeedka 2022-ka iyo qeybinta Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga La-dagaalanka Burcad Badeedka iyo Ka hortaga Afduubka ee sharciga LR 36, 30 Abriil 1975-ta.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ugu horreyn ka dooday sharciga Shaqaalaha Dalka, ayaa waxay sheegeen in waqtiyada shaqada aan cayimneen, iyagoona soo hadal qaaday in xuquuq loo helo, kuwa ku naafoobay iyagoo u shaqeynaayo qaranka, lana ilaaliyo xuquuqdooda. Xildhinaannadu ayaa waxay xuseen in loo sinnaado shaqooyinka iyo waqtiyada la shaqeeyo, waxaana ay soo jeediyeen in la tayeeyo aqoonta iyo dhismaha khibrada shaqalaaha, loona sameeyo tababaro ku sabaansan shaqadooda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray in Hindise Sharciyeedka xeerka Shaqaalaha lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Bulshada si ay u soo turxaan bixiyaan ka dibna ay dib ugu soo celiyaan fadhiga Golaha Shacabka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo marti ku ahaa fadhiga Golaha ayaa xildhibaanada ka hor akhriyey Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacyaasha, isagoona ka jawaabay su’aalo ay weydiyeen Xildhibannada, kaas oo inta badan looga dooday xuquuqda barakacyaasha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunnaanadka kulankan soo xiray fadhiga maanta ee Golaha ayaa amray in Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Barakacyaasha lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka si ay ugu soo shaqeeyaan sharcigan.

                  

Guddiga Arrimaha Dibada ee golaha shacabka BJFS oo kulan la yeeshay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Guddiga Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay wasiir Dowlaha Wasaardda Arimaha dibada ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Cali cumar (Balcad oo ay wahlinayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Mudane Isxaaq Mohamuud Mursal iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS iyo Khuburo iyo agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga xil. Aweys Xuseen Macalim iyo Xoghayaha Guddiga Xil.Sayid Cali Isaaq, waxa goob joog aha xubnaha Guddiga.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa ka doodista heshiis Beenaadkii ay Dowlada Itoobiya la gashay maamulka Soomaaliland.

Xubnaha guddiga oo door kooda ku aadan heshiis beenaadkaasi ayaa wasaaradda u sheegay mowqifkooda ah in taako kamid ah dhulka Soomaaliya aan gorgortan laga galin. Iyaga oo su’aalo ka wayeeydiiyay ka wasaarad ahaan tilaabooyinka ay qaadeen iyo sababta uu wali dalka u u joogo Safiirka Itoobiya.

Wasiir Dowlaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaardda arimaha dibadda ayaa mid mid ugu jawaabay waydiimaha Guddoonka iyo xubnaha Guddiga, iyagoona faahfaahiyay dhammaan su’aalihii la weydiiyay.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka ayaa soo xiray kulanka maanta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo fursadaha maalgashi ee jira maadaama dalkeena laga cafiyey deyntii.

Dhankiisa, Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa muujiyey in ay Dowladda Sacuudigu ay diyaar u tahay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyo taageeridda dowladda Soomaaliya ee dhinacyada mashaariicda kala duwan ee horumarineed oo dalka laga hirgeliyo, isagoo si gaar ah u ballanqaaday ay ka qaybqaadan doonaan xasillinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada dowladda Sacuudiga iyo garab istaagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  

Ra’iisul Wasaarihii hore XFS Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray SONNA

:-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee facbook hambalyo ku aaddan sanad guurada 60-aad ee SONNA u diray madaxda wasaaradda Warfaafinta iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed.

Qoraalka mudane Cali Maxamed Geedi ee uu soo dhigay bartiisa ayaa sidan ahaa:-

 

“HAMBALYO XUSKA SANNADGUURADA 60AAD EE WAKAALADDA WARARKA QARANKA SOOMAALIYEED (SONNA) 5ta JANNAAYO 2024

Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhamaan madaxda iyo hawlwadeennada Wakaaladda SONNA iyo guud ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda JFS, xuska sannadguurada 60aad ee ka soo wareegatay aasaaskii wakaaladda awgiis.

SONNA baal dahab ah ayay kaga jirtaa taariikhda warbaahinka qaranka Soomaaliyeed waxaana lagu xusuustaa sida ay wararka iyo macluumaadka guulaha dowladda u gaarsiin jirtay una gaarsiiso bulshadeenna goor iyo goob kasta.

Wakaaladda iyo madaxdeeda waan uga mahadcelinayaa adeegyada hufan oo ay u hayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana u rajenayaa horumar iyo baraare iyo in ay sannadkan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo caafimaad”.

Banaanbax looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya oo ka dhacay Burco

-Kumannaan shacab ah oo ka careysan damaca dowladda Ethiopia ee Badda Soomaaliya ayaa màanta isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer

Shacabka Burco oo ka careysan heshiis benaadka is afgaradka ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalada Burco kuwaa si weyn uga soo horjeystay damac gurracan ee Itoobiya ku dooneeyso badda soomaaliya.

Dadweynaha isu soo baxay ayaa aad uga careysan tallaabada ay qaaday Dowladda Ethiopia, taasoo 1-dii bishaan ku dhawaaqday wax ay ugu yeertay is Afgarad ay lagashay Somaliland.

Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi,iyagoo sheegay in aysan aqbali doonin in taaka kamid ah dhulka iyo badda soomaaliya midnaba aan la siin karin itoobiya.