Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyadeysay Geerida abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor

Wasaaradda wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyadeysay geerida abaanduulihii guutada 18-aad ee gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo maanta ku shahiiday dagaal ka dhacay gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa qoraal ka soo baxay ku yiri “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa inuu Shahiidey maanta walaalkeena Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo ahaa Abaanduulihii guutada 18aad ee GorGor ee CXDS. waxaan u tacsiyadeyneynaa Ehelkiisa, CXDS iyo Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan shahiidka Ilaahey SW uga barineynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo.”

AUN Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal ay ciidamadda dowladda oo kaashanaya ciidanka daraawiishta Galmudug ay kaga sifeynayeen khawaarijta deegaano yar oo ay ku dhuumaaleysanayaan gobolka Mudug. Waxaana Dagaalkaan oo uu hoggaaminaayey Taliye suulnuuge maalmihii dambe lagu xorreeyay deegaano badan oo ay shacaka dhibaateynayeen cadawga khawaarijta.

AUN Taliye suulnuuge waxaa uu ku suntanaa geesinnimo, waxaana lagu xusuusan doonaa sidii uu naftiisa ugu soo huray difaaca dalka iyo shacaka ee ay khawaarijtu dhibaatada ku hayeen. Waxaana uu u taagna inuu ka xorreynta khawaarijta ee dalka.