‘Dhul Dadkiisu sidaasi u soo jeedaan lama boobi karo’ (WARBIXIN)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiligaan ku jirta Dagaal-Diblomaasiyadeed ugu adkaa intii ay xornimada Dalku heysatay, waxeyna wahajeysaa Ethiopia oo ay ka dhaxeyso Taariikh Dhul/dagaal oo soo tixnaa sanado badan, Maamulka Abiy ayaa muddo 7-sano xusul duub ugu jirtay sidii ay u heli laheyd Dekad ay Maamulato culeysyna ku saartay Maamuladii isaga dambeeyay inay oggolaadaan, iyadoo Maamulka Addis abeba uu Sanadahan kor u qaaday xusul duub ay ugu jiraan inay qeyb ka hesho Deegaanada ku teedsan Xeebaha Soomaaliya xoog iyo xeeladba, markii ay furi weysay Madaxda Dowlada Federaalka ayay u wareegsatay Maamulada Gobolada gaar ahaan Maamulka Somaliland, kana saxiixatay Qoraal Is-fahan, inkastoo uusan ku qancin Nidaamka Federaalka 33-sano sheeganaayay inuu ka go’ay Dalka intiisa kale sifo aan sharci aheyn.

Markaasi kadib waxaa aad u kacay shucuuta Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxdoodaba, waxaan a ay diidmo uga horyimaadeen waxa ay la soo dhoodhoobay, waxaa kaloo aad uga carooday Culimaa’udiinka Soomaaliyee kuwa Caalaamka, Wargeys ka soo baxa Dalka Masar ayaa qoraal uu qoray cinwaan uga dhigay (HA CAAWIN DUMINTA KACBADA)! Cilmi baaris hor u dhac ah ayaa lagu ogaaday in Xabashida khatar ku yihiin dhulka barakeysan oo ay ku jirto Kacbada ,taasina suuragal waxaa ka dhigi kara in ay helaan bad ay kaga duulaan Dhulka barakeysan, sida  Casmara(Eretareeya) ama Badda Saylac (Soomaaliya), waxaa in dawladda Soomaaliyeed in ay ku darsato xisaabta in ay ku wargeliso dowladaha Masar iyo Sacuudiga khatarta amni ha ahaato mid qoomi iyo Diini ah ee laga filan karo arrinkaasi, xitaa amni qoomigii carbeed oo ay Soomaalidu ku jirto ayaa halis soo waajaheysaa, mar haddii ay Soomaalidu ku jirto jaamacada Carabta.

Haddaan dib u raad raacnno colaadda Soomaalida iyo Itoobiya ayaa waxaa jirtay in Ciidan saddex kun ahaa oo uu watey Xayle Salaase Aabihiis Ras Makonnen aya Soomalidu ka dhigtay waxay disho iyo dhaawacmay sannadkii 1897-kii sida uu waagaasi soo qoray Wargeyska New York Times oo ka soo baxa Dalka Maraykanka ayaa sidan u dhigay jumlo ka mid aheyd qoraalkiisa:

“Benett Stanford, oo dhowaan ka soo laabtay socdaal uu ku tegey dhulka Soomaalida, waxa uu keenay war ku saabsan in la baabi’iyay, dhammaadkii bishii Juun, ee sanadkii 1897-kii ciidan Xabashi ah oo ka koobnaa 3,000 oo Nin oo hoos imanayay taliyihii caanka ahaa ee Jen. Ras Mackonnen, kuwaasoo 69 nin oo kaliya ay ka baxsadeen, si ay warkaasi ama jabkooda cidohoodii ugu geeyaan.”

Marka Dad baa moodaya in xorriyadda iyo badda dheeri ay ciyaar ku timid, dadbaa u huray dhiigooda iyo maalkooda, waa in Jiilka hadda joogaa ay dhaxal u reebaan, sida ay iyagu noogu reebeen, “Kuwa aan taariikhda aqoon ayaa idin damaaciyay laakiin waad xusuusiseen reer Boorama. Ogaada Maanta waxaa gacantiina ku jirta oo aad matalaysaan Magaca iyo Sharafta Malaayiin dhimatay, Malaayiin nool iyo Malaayiin aan wali dhalan”, sidaasi waxaa yiri: Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, “Dadkeenna Damiirkoodu ma dhiman. Halkaan waa Boorama, waxa ay Dadku isugu soo baxeen diidmada damaca Ethiopia. Dhul Dadkiisu sidaasi u soo jeedaan lama boobikaro”, ayuu sii raaciyay Mudane Cadaala.

Shacabka magaalada Boorame ee gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa shalay dhigay bannaabax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan damaca Ethiopia ee qeyb ka mid ah Badda JFS, Banaan-baxayaasha oo Bartamaha magaalada isugu yimid ayaa ku dhawaaqaya baddeenna iib mahan iyo erayo ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliland, iyagoo  tilmaamay in heshiis beenaadkaas uusan marna suurahal ka aheyn in laga fuliyo dhulka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Banaan-baxayaasha oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatey is-afgaradkii dhaxmaray 1-dii bishan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland ee waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdl, iyagoo Madaxweynaha JFS ku bogaadiyay dadaallada Diblomaasiyadeed ee uu ka sameeyay arintaan, taasoo keentay in dowlado iyo Ururo caalami ah oo badan ay Soomaaliya ku garab istaagaan.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda banaan-baxyo looga soo horjeedo damaca liita ee dowladda uu hoggaamiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyagoo sheegay in aysan ogaal doonin taako kamid ah dalka, waxayna dowladda ugu baaqeen inay raadiso dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya ku maqan.

Dhinaca kale Xisbiyayda mucaaradka maamulka Soomaaliland ayaa Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdl ugu baaqay in uu doorasho qabto loogana baahneyn xiligan waxkale, iyadoo dhanka kale Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada Soomaaliland oo shalay ku shiray magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed   ku baaqeen in deg deg doorashada maamulkaas la qabto.

Haddaan u nimaadnno Wararkii ugu dambeeyay, Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Awdal oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin adag ka soo saaray damaca xun ee Dowladda Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliyeed, waxayna bogaadiyey doorka Dowladda Federaalku ka istaagtay damaca gurracan ee Itoobiya, islamarkaana waxay baaq u direen dhamaan Shacabka Soomaaliyeed si gaar ah shacabka Gobolada Waqooyi in ay u midoobaan difaaca dhulkooda iyo Baddooda.

Wasiiradda iyo Xildhibaanadu waxay hambalyo u direen Shacabka Gobolada Waqooyi ee diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku raadinayso in ay ku boobto qeyb ka mid ah Badda iyo dhulka Soomaaliya.“Anagoo ah Siyaasiyiinta, Xildhibaannada Labada Gole, Wasiirrada ka jeeda gobollada galbeedka Soomaaliland, waxaan halkan ku soo jeedineynaa is-fahamka dhalanteeda ee itoobiya, waxaan bogaadineynaa waxgaradka, Odayaasha, Dhallinyarada iyo haweenka ka gadooday damaca gurracan ee itoobiya” ayuu yiri Xildhibaan Dr. Cilmi Nuur oo Warbaahinta u Akhrinayay warka ka soo baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaasi oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka Ubadka iyo jiritaanka dalka. “Heshiis beenaadkii 1-dii bishaan ka dhacay Addis Abba, waxa uu ahaa duulaan lagu soo qaaday dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya la yiraah, jiritaanka iyo qabka qofka soomaliga meel walba uu jogaa lagu soo duulay, ma ahan dadka Waqooyiga ama Koonfurta ku nool, waa jiritaanka qod walba oo Soomaali ah lagu soo duulay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

“Xasan Sheekh Maxamuudaa la i yiraahdaa, waana la I yaaqaan dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo, xukun kuma doorto, waxaan ku doorsanayo majiraan, kuwa naga dambeeyo Alle haka haayo, oo talada Alle noogu ma dhiibo kuwa masaalix adduunyo wax lamid ah ku badalanaya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isagoo ka hadlay aqoonsiga Muuse Biixi sheegay in ay Itoobiya siineyso ayuu sheegay in taasi waxba ka jirin oo aysan waxba u tarin, loona sheegay mala awaal waxba ka jirin.

“Hadday idin dhahdo waan idin aqoonsanay waxba idiin ma taro, dhulka yuusan idin dhaafin, oo sabab ha u noqonina taariikh xun ha ku galinina, dhulkan waa dhulkii ay awoowyaashiina ay diideen in naag umul ku dhasha oo cunug ajanabi ah ku dhasho uu wax ku sheegto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay Masjidka Shuhadada.

By: C/laahi Ruush

Tirada Saxafiyiinta ku dhintay duqeymaha Isra’iil ay ka waddo Qaza oo sii kordhay

Xafiiska midowga warbaahinta marinka Qaza ayaa goordhaw ku dhawaaqay geerida labo Wariye oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Madaxa Xafiiska Al Jazira Waa’il Al-Daxduux, kadib duqeyn ay Ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Khan Yoonis ee koonfurta marinka Qaza, taasoo tirada Saxafiyiinta ku geeriyooday duulaan Isra’iil ay ka waddo dhulka Falastiin ka dhigeyso 109 Wariye.

Wariye lagu magacaabo Xamza oo uu dhalay Madaxa Xafiiska Al Jazira ee Marinka Qaza Waa’il Al-Daxduux oo dhawaan qudhiisa ku dhaawacmay duqeeymo halkaas ka dhacay iyo Mustafa Thuraya ayaa goordhaw ku geeriyooday duqeyn ay Israa’iil kula beegsatay Galbeedka magaalada Khan Yoonis ee Koonfurta Marinka Qaza.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Wixii ka dhacay 1-dii bishaan Addis Ababa waxa uu ahaa duulaan qaawan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay la kulmay xildhibaannada laba Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyaa ayaa markale ka hadlya doolaanka qaawan ee Itoobiya ku soo qaadaday Soomaaliya,islamrakaan carabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacbka uu isku duuban ay ka go’antahay difaaca qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiis benaadkii 1-dii bishaan ka dhacay Itoobiya ay dowladda iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed u arkaan mid lagu soo duulay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

“Heshiis benaadkii 1-dii bishaan ka dhacay Addis Abba waxa uu ahaa duulaan lagu soo qaaday dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya la yiraah, jiritaanka iyo qabka qofka soomaliga meel walba uu jogaa lagu soo duulay, ma ahan dadka Waqooyiga ama Koonfurta ku nool, waa jiritaanka qod walba oo Soomaali ah lagu soo duulay”

Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay dareenka ay muujiyeen dhamaan shacabka soomaaliyeed ee ku aaddan xadgudubka Itoobiya iyo sida ay u diideen damacaas gurracan,waxa u sheegay in taa ka turjumeyso isku duubnida shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay dalka ka joogaa.

“Waxaan ammaanaya wiilasha iyo gabdhaha qarkood xabadaha lagu ridayay, qaarkood xir-xiranyihiin oo xuriyadda laga qaaday, waxa ay u taagnayeen oo intaas u muteysteen,waa dalka Soomaaliya mitir kamid ah in aan la bixin,waan ku ammaaneynaa sharaf iyo cisi ayeyna barri ku nolaanayaan” ayuu yiri Madaxeyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel walba ay jogaan in ay u midoobaan, difaaca qarannimada dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,shacabka Itoobiya ayuu dhankooda ugu baaqay in aysan ku kadsoomin isku dayga liita oo ay waddo Xukuumadda Itoobiya.

Damaca gurracan ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali uu la saxiixday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka dhashay falcelin xoogan oo gudaha iyo dibadaba ah, iyadoo Baarlamaanka Jamhuuriyadda uu dhawaan ansixiyey, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda qararaar lagu buriyay is-afgarad beenaadkaas.

Doorashada madaxtinimmo ee Puntland oo goordhow Garoowe ka bilaabatay

Garoowe:-Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ka ka bilaabatay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Puntland Cabdirizaq Axmed Siciid ayaa sheegay inta doorashada socota la joojiyay wax dhaq-dhaqaaq ah

” Inta doorashadu socoto wax dhaqdhaqaaq ah lama sameyn karo albaabada waa la xirayaa”. Ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq.

11 musharrax oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda xilka haya mudane Saciid Cabdullaahi Dani ayaa u taagan xilka Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, iyadoo sidoo kale xilka madaxweyne kuxigeenka iyana waxaa ku tartamaya 11-kale.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada meel kasta lagu arkayaa ciidanka amniga sugaya, iyadoo dadweynaha isku-socodkooda aad loo koobay meelaha, sida uu ku soo waramayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Puntland.

Madaxweynaha JFS oo Xildhibaannada labada gole ku bogaadiyey ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa ku bogaadiyay doorkooda taariikhiga ah ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida qaranimada dalka soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo qorshaha dowladda ee ka hortagga xad-gudubka dowladda Itoobiya ee madax-bannaanida dalka iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed.

Wasiir ka tirsan maamulka Muuse Biixi oo iscasilay

Wasiirkii maamulka Muuse Biixi ugu magacawnaa Gaashaandhigga Cabdiqani Caateeye ayaa caawa iska casilay xilkiisa,sida uu goordhaw baahiyey Talefeshinka Horyaal ee fadhigiisu yahay magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Is-casilaadda Caateeye ayaa ku sheegay in uu kasoo horjeestay heshiiska beenta ah ee ku dhexmaray Soomaaliland iyo Itoobiya 1-dii bishaan magaaladda Addis Ababa.

Banaanbaxyo ka dhan ah damaca Itoobiya iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Soomaaliland Muuse Biixi ayaa socda guud ahaan dalka, iyadoo maanta banaanbax balaaran oo ka dhan ah is-afgarad beenaadka ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la yeeshay Raktarka Jaamacadda Ummadda

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulan la yeshay Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cusmaan Gacal kaas oo ku qotomay xoojinta nidaamka Caafimaadka Guud ee Dalka iyo horumarinta Cilmi Baarista caafimaadka.

Kulanka oo looga wada hadlay xoojinta, wada shaqeenta Wasaaradda iyo Jaamacadda iyo sida ay isaga kaashan lahaayeen tababarka shaqaalaha Caafimaadka, xoojinta nidaamka Caafimaadka Guud ee Dalka iyo hormarinta Cilmi Baarista. Waxaana uu ku soo idlaaday is afgarad, iyada oo labada dhinacba ay soo bandhigeen muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo howlaha ballaaran ay labada hey’adood bulshaddda u hayaan.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa hormuudka Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Daawada Cuduruda Cabdiwahab Macalim Salaad iyo Kaaliyaha sare ee Raktarka Mukhtar Sheikh Ahmed.

   

General Gacma-duule”Qofkii soo dilo xubin Khawaariijta ka tirsan labo kun oo dollar ayuu leeyahay”,

Generaal Cali Caraaye Cosoble ( Gacma-duule) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo uu weheliyo Khaliif Cumar Macallin Nuur ayaa dhiiragelin u sameeyay Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwooda ku sugan degmada Ceeldheere ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo guulo wax ku ool ah ka soo hoyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Ragga geesiyaasha ah ee la abaalmariyay waxaa ka mid ah Cabdi Muxudiin Dhalo-weyne oo ku guuleystay in uu meel 94-km u jirta degmada Ceeldheer ku dilay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta, wuxuuna helay abaalmarin lacageed oo ka timid Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Fareey, (lacagta ayaa gaareysa toddobo kun iyo shan boqol oo dollar).

‘’Waxaa la abaalmariyay nin la yiraahdo Cabdi Muxudiin Dhalo-weyn oo aad la socotaan in 48-saacadood ka hor meel degmada Ceeldheer u jirta 94-km inuu ku dilay dhagar-qabe ummaddan dhibaato ku hayay, sidaas darteedna ummadda Soomaaliyeed oo dhan u duceysay, laga bilaabo saacaddan hadda aan hadleyno Inshallah tacaallaa socon doona, nin kasta oo fuliyana waajibaad dagaal guulna ka keenna cadowga Al-shabaab sida ee Dhallo-weyne oo kale, wuxuu leeyahay ninkii madax Al-shabaab keenna 2-kun oo dollar, ‘’ ayuu yiri Generaal Gacma Duule.

Sidoo kale, Generaalka Gacma-duule ayaa sheegay in si loo dhiirageliyo Dhalo-weyn, taliyaha ciidamada xoogga dalka uu amar ku bixiyay in  saacaddan laga bilaabo uu ka tirsan yahay ciidamada xoogga dalka, taas oo horseedeysa in geesiyaal badan ay ku dhiiradaan in ay dilaan horjoogayaasha Khawaarijta.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo guud ahaan madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga dadweynaha ee dagaalka kula jira Khawaarijta in ay sii laba jibaraan howlgallada lagu ciribtirayo  Khawaarijta,islamarkaana askarigii ama shaqsigii soo dila horjooge Al-shabaab la siin doono abaalmarin lacageed uu ku farxo.

Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug ayaa laga gaaray guulo, waxaana laga sifeeyay arxan-laawayaasha dhul ballaaran oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateynayeen, kuwaas oo aan helin adeegyadii asaasiga ah ee ay u baahnaayeen.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan JFS ee Gobolka Awdal oo Digniin adag ka soo saaray damaca gurracan Itoobiya

Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Awdal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin adag ka soo saaray damaca xun ee Dowladda Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliyeed.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Federaalku ka istaagtay damaca gurracan ee Itoobiya.

Sidoo kale wasiiradda iyo Xildhibaanadu waxay hambalyo u direen Shacabka Gobolada Waqooyi ee diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku boobto qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Ugu dambayn waxay Wasiiradda iyo Xildhibaanadu baaq u direen dhamaan Shacabka Soomaaliyeed si gaar ah shacabka Gobolada Waqooyi in ay u midoobaan difaaca dhulkooda iyo Baddooda.

Dhalinyaradda Deegaanka Lughaya oo hubka qaatay

Dhalinyaradda Deegaanka Lughaya oo maanta dhigay Banaan bax ay ku diidan yihiin in Deegaankooda la siiyo Itoobiya ayaa la soo baxay hubkooda iyagoo sheegay in ay dhimasho ka xigaan in taako dhul ah laga siiyo Baddooda Itoobiya.

Dhalinyaradda ayaa baaq u diray Dadka Soomaaliyeed kaas oo ah in lagu garabsiiyo difaaca Badda Soomaaliya oo ay Itoobiya rabto in ay sife boob ah ku qaadato.

Guud ahaan Gobolka Awdal ayaa maanta waxa ka socda Mudaharaad looga soo horjeedo damaca xun ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.