Wasiir ka tirsan maamulka Muuse Biixi oo iscasilay

Wasiirkii maamulka Muuse Biixi ugu magacawnaa Gaashaandhigga Cabdiqani Caateeye ayaa caawa iska casilay xilkiisa,sida uu goordhaw baahiyey Talefeshinka Horyaal ee fadhigiisu yahay magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Is-casilaadda Caateeye ayaa ku sheegay in uu kasoo horjeestay heshiiska beenta ah ee ku dhexmaray Soomaaliland iyo Itoobiya 1-dii bishaan magaaladda Addis Ababa.

Banaanbaxyo ka dhan ah damaca Itoobiya iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Soomaaliland Muuse Biixi ayaa socda guud ahaan dalka, iyadoo maanta banaanbax balaaran oo ka dhan ah is-afgarad beenaadka ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.