Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay kulan looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay Kulan weyne looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka qaranka ayaa waxa ka hadlay Madaxda kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyagoo ku dheeraaday in Wasaaraddu markasta safka koowaad kaga jirto difaaca dalka iyo ilaalinta gobanimada dadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in ay door weyn ka qaadanayaan Mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid dh dhulka iyo Badda Soomaaliyeed,Mudaharaadkan ayaa maalinta khamiista ka dhici doona Magaaladda Muqdisho.

Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa waxa ka socda Mudaharaado waaweyn oo looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya.

Madaxweynaha JFS oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar mudane, Abdel Fattah el-Sisi.

Marti-qaadka ayaa waxa dowladda Soomaaliya soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar garab istaagga buuxa ee ay u muujisay Dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masar gaari doona maalmaha inagu soo aaddan, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono dhiggiisa Masar, iyagoo diiradda saari doono xiriirka taariikhiga iyo walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal, waxaa sidoo kale looga hadli doonaan xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay ee la xiriira damaca liita ee dowladda Itoobiya.

Dawladda Masar ayaa safka hore kaga jirta dalalka sida weyn uga hor yimid damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya, iyadoo dowladda Masar adkaysay in ay waajib tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Soomaaliya oo wali wadda ka hortagga damaca Itoobiya (WARBIXIN)

Maamulaha guud ee Xawaalada WorldRemit, Ismaaciil Axmed oo lagu eedeeyay Naceybka Soomaalinimada ayaa muddo ku howlanaa/Maalgelinaayay sidii loo kala fogeyn/qeybin lahaa Waqooyi iyo Konfurta Shacbiga Soomaaliyeed, isagoo adeegsanaaya Xawaaladiisa, Ganacsadahaan ayaa lagu xantaa inuu xiriir la leeyahay Sirdoonka Ethiopia, sida uu Wakaaladda Wararka ee SONNA u sheegay Ciise Xasan oo ah Khabiir ku takhasusay falanqeynta dhinaca Ammaanka, kuna sugan Magaalada Helsinki ee Dalka Finland.

Shaqsigaan ayaa maamula Xawaalada (WorldRimit) iyo 3-Ngo, kuwaasi oo kala ah:  Sahmiye Foundation, SahanBook iyo app-ka Daarzi, Muwaadiniintana looga digay inay adeegsadaan, Maamulahaan ayaa muddo gaaban Bartiisa Facebook soo geliyay laba Qoraal oo mid uu ku taageeraayo Heshiiska Is-fahanka Ethiopia & Somaliland, halka mid kale uu ku calaacalaayo in ugaarsi lagu hayo Ganacsigiisa, Wuxuuna intaasi raaciyay in Shirkadiisa WorldRemit, inuu Ganacsiga Xawaalada ka xoogsada, kuna faanay in dhaqdhaqaaqa Xawaaladiisa ay Konfurta iyo Bartamaha Dalka lacagaha ay u kala xawisho ay ka hooseyso 0,3-%, Xawaalada xooggeedan ay ka howlgasho Dalka Ethiopia.

Dowladda Jabuuti ayaa iyadana markii ugu horreysey ka hadashay damaca Itoobiya ay ku raadineyso Dhul iyo Bad Soomaaliyeed, waxayna sheegtay inay ka walaacsan tahay xiisadda ka soo cusboonaatay Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabuuti ayaa bayaan ay soo saartay ku soo jeedisey in Xiisadda labada dal lagu dhammeeyo tub wadaxaajood oo nabadoon.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD,  waxayna xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan xubnaha ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo dastuurka Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wadanka Jabuuti, wuxuuna hadalkaan imaanaya iyada oo Ethiopia ku xafgudubtay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af qabto Warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu la soo galay dowladda Itoobiya.

“In la beegsado Weriye iyo Warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga. Dareenka waddaniyadda iyo dal jaceylku ku jiro ee dadka gobollada waqooyi, xoog laguma maquunin karo, lagumana af qaban karo, waxaana ay xoojinaysa in kacdoonka shacbigu laba kacleeyo”, ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

“Hey’adaha amniga ee maamulka Somaliland waxaan uga baaqaynaa in ay ka waantoobaan u hiilinta iyo garab siinta is afgaradka sharci daradda ah iyo damaca Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo Bad Soomaaliyeed, taasoo qatar ku ah mustaqbalka iyo karaamada dadka gobollada waqooyi ku nool iyo guud ahaan Ummaddnimada shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda u bogaadinaysaa uguna mahad celinaysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka gobollada waqooyi oo sida lagu yaqaanay dadkeena meel adag iska taagay, iskana diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda iyo dhulka Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa codkooda ku biiriyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka qaawan ee ay dowladda Itoobiya ku heyso madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Qurbajoogta ayaa Dalabkooda waxaa ka mid ah baaq ay u direen guddiga bixiya billadda nabadda ee Nobel Peace Prize, iyaga oo ugu baaqay in ay Ra’isul Wasaaraha Itoobiyaa Abiye Axmed ka xayuubiyaan billadda, maadaama sida  uu meelo ka baxsan xuduudiisa ka abuurayo colaado,iyo boob sharci darro ah.

Qurbajoogta ayaa qorsheynayaa garyqaanno gaar ah oo codsigan gudbiya marka uu helo saxiixa shacbiga Soomaaliyeed. Haddaba si codku meel dheer u gaaro saxiix codsiga lagu dalbanayo billad ka qaadistiisa Abiye Axmed.

https://www.change.org/p/petition-to-revoke-abiy-ahmed-s-nobel-peace-prize-over-horn-of-africa-conflicts.

Antony Blinken oo Israel kala hadlaya ilaalinta rayidka Falastiin iyo gaarsiinta gargaarka

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa gaaray Israel, isagoo sheegay inuu riixi doono ilaalinta Falastiiniyiinta rayidka ah iyo gaarsiinta gargaarka ay u baahan yihiin brakacayaasha Gaza.

Xoghayaha ayaa ka soo ambabaxay Dalka Imaaraaraadka Carabta oo uu ku tagay booqashadii afaraad ee Bariga Dhexe, isagoo soo maray Qadar,Sacuudiga iyo kuwo kale.

Hawlgalkiisa ugu weyn ee safarka xoghayaha ayaa ah inuu hubiyo in dagaalka Israel iyo Gaza uusan ku fidin dagaal goboleed.

Dhinaca kale, Israa’iil waxay sii wadaa duqeymaha ay ka geysanayso koonfurta iyo bartamaha Gaza, iyadoo la soo sheegayo duqeymo ka dhacay agagaarka Isbitaalka Al-Aqsa.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa ka digaysa masiibo soo socota oo ku wajahan Falastiiniyiinta barokacay,sida dhimasho, gaajo, fuuqbax iyo cudurro.

Ugu yaraan 23,084 qof ayaa lagu dilay – oo ay ku jiraan 9,600 oo carruur ah – iyo ku dhawaad 59,000 oo ku dhaawacmay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

NISA oo Beledweyne ku qabatay Shabakad ka tirsan Khawaarijta

Beled weyne:-Ciidanka Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo Hawlgal amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan ayaa soo qabtayshabakadaan la qabtay ayaa ka tirsaneed Khawaarijta arxanka daran.Xubnahan khawaarijta ah ayaa doonayaay inay gobalka Hiiraan ugu talaabaan Gobolka Galgaduud oo uu ka socda howlgal lagu ciribtirayo khawarijta.

  

Qurbejoogta Soomaaliyeed oo ku baaqay in Abiye Axmed lagala laabto biladda nabadda adduunka

Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa codkooda ku biiriyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka qaawan ee ay dowladda Itoobiya ku hayso madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Qurbejoogta ayaa Daddaalkooda waxaa ka mid ah baaq ay u direen guddiga bixiya billadda nabadda ee Nobel Peace Prize, iyaga oo ugu baaqay in ay Ra’isul Wasaaraha Itoobiyaa Abiye Axmed ka xayuubiyaan billadda, maadaama sida  uu meelo ka baxsan xuduudiisa ka abuurayo colaado,iyo boob sharci darro ah.

Qurbajoogta ayaa qorsheynayaa garyqaanno gaar ah oo codsigan gudbiya marka uu helo saxiixa shacbiga Soomaaliyeed.

Haddaba si codku meel dheer u gaaro saxiix codsiga lagu dalbanayo billad ka qaadistiisa Abiye Axmed.

https://www.change.org/p/petition-to-revoke-abiy-ahmed-s-nobel-peace-prize-over-horn-of-africa-conflicts

War-Saxaafadeed: DFS waxay aad uga xun tahay tallaabooyinka maamulka Somaliland ee dhanka ah Warbaahinta iyo Dadweynaha

In la beegsado weriye iyo warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga.

Dareenka waddaniyadda iyo dal jaceylku ku jiro ee dadka gobollada waqooyi, xoog laguma maquunin karo, lagumana af qaban karo, waxaana ay xoojinaysa in kacdoonka shacbigu laba kacleeyo.

Hay’adaha amniga ee maamulka Somaliland waxaan uga baaqaynaa in ay ka waantoobaan u hiilinta iyo garab siinta is afgaradka sharci daradda ah iyo damaca Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed taas oo qatar ku ah mustaqbalka iyo karaamada dadka gobollada waqooyi ku nool iyo guud ahaan umadnimada shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda u bogaadinaysaa uguna mahad celinaysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka gobollada waqooyi oo sida lagu yaqaanay dadkeena meel adag iska taagay, iskana diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda iyo dhulka Soomaaliya.

-Dhammad-

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya

Jabuuti: Dowladda Jabuuti qoraal ka soo baxay ayaa lagu yiri ” Dowladda Jabuuti oo ah guddoonka wareegga ee IGAD waxa ay xaqijinaysaa sida ay si qoto dheer u garab-taagan tahay ilaaalinta madaxabanaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah IGAD, sida ay qabaan xeerarka IGAD iyo Midawga Afrika”.

Hadalkaan ayaa imaanaya, iyada oo Ethiopia ku xad-gudubtay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo ku Bogaadiyey Shacabka Difaacida dhulkooda

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku Bogaadiyey Shacabka Soomaaliyeed sida dowladooda ay ugu garab istaageen Difaacida Dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dareenka ay muujiyeen dhammaan shacabka soomaaliyeed ee ku aaddan xadgudubka Itoobiya iyo sida ay u diideen damacaas gurracan,waxa u sheegay in taa ka turjumeyso isku duubnida shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay dalka ka joogaa.

“Waxaan ammaanaya wiilasha iyo gabdhaha qarkood xabadaha lagu ridayay, qaarkood xir-xiranyihiin oo xuriyadda laga qaaday, waxa ay u taagnayeen oo intaas u muteysteen,waa dalka Soomaaliya mitir kamid ah in aan la bixin,waan ku ammaaneynaa sharaf iyo cisi ayeyna barri ku nolaanayaan” ayuu yiri Madaxeyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel walba ay jogaan in ay u midoobaan, difaaca qarannimada dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,shacabka Itoobiya ayuu dhankooda ugu baaqay in aysan ku kadsoomin isku dayga liita oo ay waddo Xukuumadda Itoobiya.

Damaca gurracan ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu la saxiixday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka dhashay falcelin xoogan oo gudaha iyo dibadaba ah, iyadoo Baarlamaanka Jamhuuriyadda uu dhawaan ansixiyey, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda qararaar lagu buriyay is-afgarad beenaadkaas.

Madaxweynaha JFS oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Eriteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eriteriya. Halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Eriteriya mundane Isaias Afwerki.