Dowladda Jabuuti oo ka hadashay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya

Jabuuti: Dowladda Jabuuti qoraal ka soo baxay ayaa lagu yiri ” Dowladda Jabuuti oo ah guddoonka wareegga ee IGAD waxa ay xaqijinaysaa sida ay si qoto dheer u garab-taagan tahay ilaaalinta madaxabanaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah IGAD, sida ay qabaan xeerarka IGAD iyo Midawga Afrika”.

Hadalkaan ayaa imaanaya, iyada oo Ethiopia ku xad-gudubtay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.