War-Saxaafadeed: DFS waxay aad uga xun tahay tallaabooyinka maamulka Somaliland ee dhanka ah Warbaahinta iyo Dadweynaha

In la beegsado weriye iyo warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga.

Dareenka waddaniyadda iyo dal jaceylku ku jiro ee dadka gobollada waqooyi, xoog laguma maquunin karo, lagumana af qaban karo, waxaana ay xoojinaysa in kacdoonka shacbigu laba kacleeyo.

Hay’adaha amniga ee maamulka Somaliland waxaan uga baaqaynaa in ay ka waantoobaan u hiilinta iyo garab siinta is afgaradka sharci daradda ah iyo damaca Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed taas oo qatar ku ah mustaqbalka iyo karaamada dadka gobollada waqooyi ku nool iyo guud ahaan umadnimada shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda u bogaadinaysaa uguna mahad celinaysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka gobollada waqooyi oo sida lagu yaqaanay dadkeena meel adag iska taagay, iskana diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda iyo dhulka Soomaaliya.

-Dhammad-