Soomaaliya oo wali wadda ka hortagga damaca Itoobiya (WARBIXIN)

Maamulaha guud ee Xawaalada WorldRemit, Ismaaciil Axmed oo lagu eedeeyay Naceybka Soomaalinimada ayaa muddo ku howlanaa/Maalgelinaayay sidii loo kala fogeyn/qeybin lahaa Waqooyi iyo Konfurta Shacbiga Soomaaliyeed, isagoo adeegsanaaya Xawaaladiisa, Ganacsadahaan ayaa lagu xantaa inuu xiriir la leeyahay Sirdoonka Ethiopia, sida uu Wakaaladda Wararka ee SONNA u sheegay Ciise Xasan oo ah Khabiir ku takhasusay falanqeynta dhinaca Ammaanka, kuna sugan Magaalada Helsinki ee Dalka Finland.

Shaqsigaan ayaa maamula Xawaalada (WorldRimit) iyo 3-Ngo, kuwaasi oo kala ah:  Sahmiye Foundation, SahanBook iyo app-ka Daarzi, Muwaadiniintana looga digay inay adeegsadaan, Maamulahaan ayaa muddo gaaban Bartiisa Facebook soo geliyay laba Qoraal oo mid uu ku taageeraayo Heshiiska Is-fahanka Ethiopia & Somaliland, halka mid kale uu ku calaacalaayo in ugaarsi lagu hayo Ganacsigiisa, Wuxuuna intaasi raaciyay in Shirkadiisa WorldRemit, inuu Ganacsiga Xawaalada ka xoogsada, kuna faanay in dhaqdhaqaaqa Xawaaladiisa ay Konfurta iyo Bartamaha Dalka lacagaha ay u kala xawisho ay ka hooseyso 0,3-%, Xawaalada xooggeedan ay ka howlgasho Dalka Ethiopia.

Dowladda Jabuuti ayaa iyadana markii ugu horreysey ka hadashay damaca Itoobiya ay ku raadineyso Dhul iyo Bad Soomaaliyeed, waxayna sheegtay inay ka walaacsan tahay xiisadda ka soo cusboonaatay Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabuuti ayaa bayaan ay soo saartay ku soo jeedisey in Xiisadda labada dal lagu dhammeeyo tub wadaxaajood oo nabadoon.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD,  waxayna xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan xubnaha ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo dastuurka Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wadanka Jabuuti, wuxuuna hadalkaan imaanaya iyada oo Ethiopia ku xafgudubtay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af qabto Warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu la soo galay dowladda Itoobiya.

“In la beegsado Weriye iyo Warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga. Dareenka waddaniyadda iyo dal jaceylku ku jiro ee dadka gobollada waqooyi, xoog laguma maquunin karo, lagumana af qaban karo, waxaana ay xoojinaysa in kacdoonka shacbigu laba kacleeyo”, ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

“Hey’adaha amniga ee maamulka Somaliland waxaan uga baaqaynaa in ay ka waantoobaan u hiilinta iyo garab siinta is afgaradka sharci daradda ah iyo damaca Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo Bad Soomaaliyeed, taasoo qatar ku ah mustaqbalka iyo karaamada dadka gobollada waqooyi ku nool iyo guud ahaan Ummaddnimada shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda u bogaadinaysaa uguna mahad celinaysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka gobollada waqooyi oo sida lagu yaqaanay dadkeena meel adag iska taagay, iskana diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda iyo dhulka Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa codkooda ku biiriyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka qaawan ee ay dowladda Itoobiya ku heyso madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Qurbajoogta ayaa Dalabkooda waxaa ka mid ah baaq ay u direen guddiga bixiya billadda nabadda ee Nobel Peace Prize, iyaga oo ugu baaqay in ay Ra’isul Wasaaraha Itoobiyaa Abiye Axmed ka xayuubiyaan billadda, maadaama sida  uu meelo ka baxsan xuduudiisa ka abuurayo colaado,iyo boob sharci darro ah.

Qurbajoogta ayaa qorsheynayaa garyqaanno gaar ah oo codsigan gudbiya marka uu helo saxiixa shacbiga Soomaaliyeed. Haddaba si codku meel dheer u gaaro saxiix codsiga lagu dalbanayo billad ka qaadistiisa Abiye Axmed.

https://www.change.org/p/petition-to-revoke-abiy-ahmed-s-nobel-peace-prize-over-horn-of-africa-conflicts.